Mid Ka Mid Ah Dableyda Loo Haysto Dilkii Taliye Casayr Oo Dhaawac Soo Gaadhay Loo Dhigay Cisbitaalka Hargeysa

0
531

Hargeysa(Geeska)-Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa la dhigay mid ka mid ah kooxdii dableyda ahayd ee ay ciidamada Boolisku ka soo qabteen gobalka Saaxil, ee loo haysto dilka taliyihii Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr.

1

Eedaysanahan ayaa isagoo dhaawac ah ay ciidamada Boolisku soo qabteen, waxaana dhaawaciisa shalay la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo loogu sameeyay daawayn. Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Jamac ( Madax-Yar) ayaa shalay la arkay isagoo ay dhakhaatiirtu ka soo saarayaan qaybta gargaarka deg dega ah ee cisbitaalka, laguna wado sariirta lagu qaado dadka dhaawaca ah, waxaana loo gudbiyay qol gaar ah oo markii daawaynta lagu sameeyay ay ciidamo ammaanka qaabilsani ku ilaalinayaan.

Mr. Madax-yar, ayaa waxa ku yaala laba xabadood oo kaga dhacay boqonta hoose ee lugta iyo faraha mid ka mid ah labadiisa gacmood, waxaana uu ku jiraa xaalad degenaan ah.

Dawladda Somaliland ayaa habeen hore duleedka Berbera ka soo qabatay 8 ka mid ahaa dablayda oo ay tiradoodu ahayd 11 nin oo hubaysan, waxaana dhaawac ah ninkan cisbitaalka Hargeysa lagu dawaynayo.

8-da nin ee la soo qabtay ayaa dhammaantood loo soo dhaadhiciyay xabsiyada magaalada Hargeysa oo ay ku xidhanyihiin.