Dhiigkarka: Calaamaaha Lagu Garto, Sababa Loo Tiriyo, Khatartiisa Iyo Hababka Loo La’ Tacaalo (Q.3aad)

0
1675

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika ka diyaariyey cudurka dhiigkarka.

1

Noocyada Dhiikarka iyo sababaha keeni kara

Dhakhaatiirtu dhiigkarka waxa ay u qaybiyaan laba nooc oo kala ah:

1. Boqolkiiba 90 illaa 95 dhiig karku waa nooca loo yaqaanno dhiigkarka aasaasiga ah waxa aanu ku dhacaa, dadka waaweyn. Noocan dhiigkar cilmigu weli ma’ uu si waafi ah u aqoonsan sababta rasmiga ah ee keenta, waxa se lagu yaqaannaa in muddo sannado ah uu mar kasta oo qofka da’diisu korodho isna kor in yar u sii kaco.

2. Dhiigkarka nooca labaad oo boqolkiiba 5 illaa 10 ka ah tirada guud ee xaaladaha dhiigkarka, waxaa loo yaqaannaa dhiigkarka dheeraad, waxa aanu inta badan ku yimaaddaa sababta cudur kale. Dhiigkarka noocan ahi sooma jiitamo sida nooca hore, balse isagu si kedis ah ayuun baa uu qofka ugu bilowdaa, inta badanna cabbir ahaan dhiiggu waa uu ka sarreeyaa cabbirka dhiiggu noqdo marka qofka uu hayo dhiigkarka nooca koowaad ahi.

Sababaha:

Dhiigkarka nooca labaad ee aynu ‘Dheeraad’ ku magacownay oo afka caafimaadka loogu yaqaanno ‘Secondry’ inta badan waxa uu ku yimaaddaa sababta xanuunno kale oo qofka ku jira, sidaa awgeed marka qofka lagu arko waxaa muhiim ah in laga baadho xanuunnada ay ka midka yihiin:

ü Kelyo xanuunka.

ü In barar ama buro ku taallo qanjidhada Adrenal ka loo yaqaanno oo ku yaalla kelyaha dushooda soona saara hormoonno aad u muhiim ah.

ü Xanuunka Macaanka ayaa isna ka mid ah sababaha khatarta ah ee qofka ku keena dhiigkarka. Sidaa awgeed ayaana qofka macaanka leh lagula taliyaa in uu si joogto ah uga war hayo dhiiggiisa.

ü Cudurka maqaarka ku dhaca ee Psoriasis ka loo yaqaanno oo ah cudur cambaarta oo kale ah oo jidhka nabarro jidh u eeg ku sameeya ayaa isna ka mid ah sababaha kiciyadhiigga.

ü Wadne xanuun abuur ah (Cillad abuur ah oo wadnaha ku jirta)

ü Waxa iyaduna muhiim ah in qofka bukaanka ah la hubiyo bal in uu dawooyin qaato, waayo dawooyinka qaar ayaa sidooda dhiigga u kiciya, waxaana ka mid ah dawooyinka ka hortagga uurka, dawooyinka hargabka loo cuno qaarkood iyo dawooyinka sanboorka iyo cabudhka loo cuno. Dawooyinka kaar jebinta ah ayaa iyaguna qaarkood ay dhiigga kiciyaan, waana sababta ay dhakhaatiirtu mar kasta ugu adkaystaan in qofku uu dhakhtar kala tashado dawooyinka isticmaalkooda xitaa haddii ay yihiin kuwa garaaca iyo xummadda iyo kaar jebinta loo isticmaalo.

ü Maandooriyeyaasha qaarkood oo ay ka mid yihiin Cocaine iyo Amphetamine. Waxaa xusid mudan inmaadadda in qaadka ay ku jirto maaddo aad ugu eeg maadaddan amphetamine ta oo aan u fiicnayn wareegga dhiigga.

Sababo dheeraad ah:

Waxaa jira sababo dhowr ah oo keena dhiigkarka ama in uu dhiigkarku sii bato, kuwaas oo ah sababo aan qaarkood waxba laga qaban karin:

ü Da’da:  mar kasta oo qofka da’diisu sii weynaato waxaa korodha khatarta ah in uu dhiigkar ku dhaco ama haddii uu hayey in uu sii bato. Bilowga da’da dhexe oo inta badan ah marka uu qofku gaadho 40 sano jir oo ah da’ kala guur ah oo qofku uu ka baxayo dhalinyaronimadii una guurayo da’ iyo bisayl, isbeddelkaas oo illaa hormoonnada saameeyaana uu inta badan qofka ku keeno warwar badan oo mustaqbalka iyo nolosha la xidhiidha iyo xaalado nafsi ah, ayaa caan ku ah dhiiggu kaco, gaar ahaan ragga, halka dumarkana uu dhiigkarku ku bato marka ay gaadhaan da’da caado goyska ay Soomaalidu u taqaanno oo ah marka uu joogsado dhiigga caadada oo astaan u ah in gabadhu ay dhalmo deysay.

Si kastaba ha ahaato ee marka ay dadku gaadhaan 60 jir iyo ka weyn rag iyo dumar uguma kala soocna ku dhicista cudurkani.

ü Hidde, sababaha kale ee dhiigkarku ku yimaaddo waxaa ka mid ah hidde uu qofka ka hidde raacayo waalidkii ama isirkiisa dhow ee labada dhinac (Aabaha iyo hooyada) midkood. La soco…