Dhiigkarka: Calaamaaha Lagu Garto, Sababa Loo Tiriyo, Khatartiisa Iyo Hababka Loo La’ Tacaalo (Q.2aad)

0
1762

1Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika ka diyaariyey cudurka dhiigkarka.

Dhiigkarka oo ay khubarada qaar jecel yihiin in ay ugu yeedhaan cudurka nolosha casriga ah, tirokoobyada kala duwan ee sannad kasta lagu sameeyo faafitaankiisuna ay muujinayaan in uu si xawli ah dunida oo dhan ugu faafayo, ayaa sannadkii u dambeeyey ay haayadda WHO dadka cudurkan iyo cudurrada uu sababo u dhintay sannadkii u dambeeyey ku qiyaastay in ay gaadheen 7 Milyan iyo badh ruux, taas oo ka dhigaysa in dadka sannadkan dunida ku dhintay boqolkiiba ku dhowaad 13 (12.8) ay u dhinteen dhigkarkaiyo cudurrada kadhasha.

Sida ay haayadda WHO ku faafisay boggeeda internet ka ee rasmiga ah, dadadka da’doodu ay 25 sano jir ka weyn tahay ee uu dhiigkarku ku dhacayaa boqolkiiba 40 ayaa ay korodhay intii ka dambaysay sannadkii 2008da. Meelaha uu sida aadka ah cudurkani uga kordhayna waxaa ka mid ah qaaradda AFrika, oo boqolkiiba 46 uu kor u kacay ragga iyo dumarkaba. Haayadda caafimaadka adduunku waxa ay sheegtay in dhiigkarku uu ka mid yahay sababaha ugu waaweyn ee dhimashada kediska ah keenta dunida maanta.

Dhinaca kalana haayadda WHF (World Heart Federation) ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka wadnaha iyo faaligga, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka dhiigkarka qaba ee dunida ku nool tiradoodu ka badan tahay 970 Milyan oo ruux, kuwaas oo 640 Milyan oo ka mid ahi ku nool yihiin dalalka loo yaqaanno dunida soo koraysay.

Xaaladaha ka dhasha dhiigkarka:

Xaaladaha caafimaad ee ka dhasha dhiigkarka kuwooda ugu sii khatarta badani waa wadne xanuun iyo xididdada dhiigga oo bukooda, adkaada, yaraada ama mararka qaarkood xidhma, taas oo sababta in xididku uu banjaro marka uu dhiiggu buuxsamo ee dhanna u dhaafi waayo halka xidhan. Marka xaaladda ugu khatarta badan la eegana waa faaligga oo qofka si kedis ah dhiig maskaxda ugu furmi karo.

Calaamadaha lagu garan karo:

Dhiigkarka oo ka mid ah xanuunnada dhuunta ee aanu qofku si dhaqso ah u ogaan in uu hayo, marar badanna dhacdo in qofka uu sannado badan hayo iyada oo aanu qofku isku ogeyn ama xitaa dareemin wax moodsiin kara in uu dhiiggiisu kacsan yahay, ayaa marar badan sababta in qofku marka uu soo dhaco ee tusaale ahaan dhiig ku furmo maskaxda ama halbawlayaasha dhiiggu xidhmaan uun ku war hell.sidaaawgeed waxa ay dhakhaatiirtu si weyn ugu taliyaan in qofka aan dhiigkarka isku ogeyni uu samaysto jadwal go’an oo uu muddo marka uu joogaba mar cabbiro dhiiggiisa.

Waxaa jira calaamado lagu garto dhiigkarka, in kasta oo aanay si isku mid ah dadka qaba cudurkan oo dhan uga soo muuqaan. Calaamadahaas kuwooda sahlan waxaa ka mid ah, madax xanuun aan aad u badnayn, dawakhaad marmarka qaarkood ah iyo sanka oo dhiig ka yimaaddo (Sanboor), Yalaalugo marmarka qaarkood matag keeni karta, iyo aragga oo uu qofku ka dareemo in dahaadh ama ceeryaan oo kale ka xigto waxa uu arkayo (Qofka oo si fiican wax u arki waaya), wadnaha oo garaaca kordhiya ama yareeya, ama kordhin iyo yarayn is xigxigta sameeya, iyo neefta oo uu qofku qawado.

Calaamadaha lagu garan karo dhiigkarka carruurta:

Waa run in dhiigkarku uu aalaaba ku dhaco dadka da’da weyn waana ay dhacdaa in lagu arko dhalinyarokka weyn da’da 25 ka balse aan weli waayeel noqon, laakiin waxaa laga yaabaa in ay dad badani mo’oogan yihiin in dhiigkarku uu ku dhaco carruurta yaryar.

Qormooyinka cilmi ee uu Geeska Afrika soo akhriyey waxa ay dhigayaan calaamadahan hoos ku qoran oo lagu garan karo in ilmaha yar uu dhiigkar hayo.

Ilmaha oo madax xanuun ka cawda..ilmaha oo tamar darro badan iyo burbur lagu arko.. Ilmaha oo arrgiisu saafi noqon waayo, inta badanna uu sheego in aragtida uu shucaac kaga furan yahay.. Sanka oo ilmaha dhiiga.. Wejiga oo sida faaligga qayb ahaan uu qallal ama in aanay shaqaynayn ka dareemo, ama uu kaantarooli kari waayo oo iskii uu u dhaqdhaqaaqo.

Calaamadaha lagu garan karo ilmaha abaydinka ah ee iyo ka weli kayar 6 bilood:

Ilmaha oo miisaankiisu ka hooseeyo inta dabiiciga ah ama korodhka miisaankiisu noqdo mid aan la jaanqaadayn korodhka cimrigiisa.. Suuxdin (Miyir beel lagu arko).. Dhiigroor jidhkiisa lagu arko.. Lulo iyo caajis badan.. Neefsigiisa oo aan caadi ahayn, ama khalkhal ku jira hab-dhiska neefsiga.