Dhibaatada Ganacsatadu Ku Hayso Dadka: Khatarta Caafimaad Ee Sonkorta Oo 60 Sano La Qarinayey Ganacsi Dartii

0
557

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda San Francisco ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in Muddo hadda laga joogo Konton sano daraasado la sameeyey lagu ogaaday dhibaatooyinka caafimaad ee sonkortu ay aadamaha u leedahay, laakiin dad ujeeddooyin gaar ah lihi ay qariyeen xaqiiqadaas la ogaaday si aanay saamayn ugu yeelan rayulcaamka.

Cilmibaadhisaha muddooyinkan dambe lagu sameeyo cudurka macaanka ayaa si weyn isugu xidha cunista sonkorta iyo xaaladda caafimaad ee loo yaqaanno Angina Pectoris oo ah xanuun iyo diiqad uu qofku saableyda (Laabta u badan) ka dareemo, taas oo sababaha ay ku timaaddo ay ka mid tahay dhiigga iyo ogsejiinta uu sido oo aan si sax ah u gaadhay wadnaha, sababtuna tahay xididdo ama halbawle dhiig oo xidhan ama cidhiidh dareemaya.

Natiijadan sheegaysa in sonkortu ay khatartan caafimaad darro qofka ku keenayso ayaa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in 60 sano ka hor si cilmiya loo xaqiijiyey balse, iyada oo la raalli gelinayo ganacsatadii soo saaraysay sonkorta oo shirkado waaweyn ahaa awgeed muddo 60 sano ah la qarinayey. Christine Cairns oo ka tirsan jaamacadda San Francisco ayaa xaqiijisay in aarkifiyada (Qaybaha kaydka dhukumantiyada muhiimka ah) Jaamacadda caanka ah ee Harvard iyo xitaa rugo-kutubeed oo kale oo Maraykanka ku yaalla laga helay qoraallo sheegaya in ganacsatada sonkorta soo saartaa ay dejiyeen qorshe ujeedadiisu ahayd in ay aamusiyaan natiijada cilmibaadhis si cad u sheegaysa khatarta caafimaad ee sonkorta, iyaga oo weliba intaas kuma ay joogsan ee rayul caamka ku marin-habaabiyey xogo la xidhiidha khatarta caafimaad ee ku jirta dufanka, isla markaana dadka ka ilaaliyey xog kasta oo dareen shaki oo caafimaad darro gelin kara sonkorta.

Sonkorta ayaa maanta dalka Maraykanka looga aqoonsan yahay in ay tahay sababaha ugu muhiimsan ee khatarta ku ah caafimaadka dadka, iyada oo inta badan lagu xidhiidhiyo xanuunno ay ka mid yihiin macaanka iyo wadne xanuunku.