Dhibaatada Caafimaad Ee Qofka Waxaa Laga Garan Karaa Calaamado Ka Soo Ifbaxa Wejigiisa: Sunnayaasha, Sanka iyo Afka Hareerihiisa

0
1143

London (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadan waxa aynu ku dul istaagaynaa qayb kasta oo wejiga ka mid ah calaamadaha haddii lagu arko lagu garanayo xaaladda caafimaad darro ee qofka haysa.

2. Sunneyaasha dhexdooda: Wejiga inta u dhexeysa labada sunne waxaa inta badan saamayn aan fiicnayn ku yeesha suntada cuntada ka samaysanta/mariidka cabbista maandooriyaha iyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay.

Si gaar ah Alkooshu waxa ay dhibaato gaadhsiisaa asiidhada caloosha, taas oo keenta in suntan/mariidku ku faafto qaybaha kale ee jidhka. Cuntooyinka degdegga ah (Beergarrada, saanwiijyada iwm) ee suuqyada laga iibsado ayaa iyaguna sababa in baro ay yaryari ka soo baxaan wejiga, inta u dhexeysa sunneyaasha, sababtuna waa saliidaha loo adeegsado diyaarinta cuntooyinka fudud ayaa keena khalkhal ku yimaadda isu dheellitirnaanta caloosha, halka macaanka iyo sonkoraha ku jiraana ay saamayn taban ku yeeshaan Hormoonnada iyo awoodda iska caabbinta Insulin-ta.

Waxa ay dhakhaatiirta takhasuska ahi sheegeen in finanka ka soo baxa sunneyaasha dhexdoodu calaamad u noqon karaan xanuun ka jira beerka, caloosha ama in qofka ay nafaqo darro hayso.

3. Sanka: Sanka oo finan ama furuuruc ka soo baxaa waxa ay astaan u tahay in qofku uu ku jiro xaalad nafsi ah, dhaawac caadifadeed ama wareegga dhiiggiisa oo taagdaran. Fururuca midabkoodu madowga yahay ee sanka ka soo baxaa inta badan waxa ay calaamad u yihiin in dhiiggu aad u kacsan yahay, in Kalastarool ay jirto, in qofku dufan badan oo aan fiicnayn cunay ama in uu isticmaalo maandooriye. Waxa kale oo ay calaamad u noqon kartaa in milix badani ay qofka jidhkiisa ku jirto.

Xalka dhibaatadan waxaa inta badan ku filan in qofku uu saddex maalmood tododbaadkii jimicsado waqti aan ka yarayn 30 daqiiqo, in uu cuno cuntooyin caafimaad qaba, in uu iska jiro noocyada hilibka ee qasacadaysan dhammaantood, in uu cabbo sharaabka Afakaadhaha, in uu iska daayo cuntooyinka kulul, kuna dadaalo cunista cuntooyinka galka leh.

4. Afka Hareerihiisa: Inta badan dumarku xilliga caadada waxa ay isku arkaan fin ama finan iyo furuuruc ka soo baxa dibnaha hareerahooda oo dhinac ah ama dhinac kaste ah. Waxa ay khubaradu arrintan ku macneeyeen isu-dheellitirnaan la’aanta hormoonnada ee xilligaas ay gabadhu ku jirto. Waxa kale oo sababaha ka mid ah jidhka oo fuuq bax iyo biyo la’aan tirsanaya.

Waxa kale oo ay arrintani calaamad u noqon kartaa cillad ku jirta xubnaha taranka ama ogxaanta iyo isu-dheelli tirnaan la’aan hormoonnada ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in marka uu qofku xaaladahan oo kale isku arko ay la gudboontahay in uu cuno cuntooyinka galka leh, iyo in uu sameeyo jimicsi, gaar ahaan nooca Yoga loo yaqaanno.