Dhereggu Waxa Uu Dunida Ku Dilaa Dad Ka Tiro Badan Inta Gaajo U Dhimata Sannad Kasta

33
2808

Hargeysa (Geeska)- Barnaamij lagu magacaabo ‘Daxiix’ oo ka baxa shabakadda Aljaxeera ayaa dhowaan baahiyey mawduuc xasaasi ah oo uu kaga hadlayo ‘Gaajada iyo macaluusha’ waa aanu sheegay in waqtigan hadda aynu joogno dadka gaajada ugu dhintaa ay ka tiro yar yihiin dadka uu dhereggu dilo. Warbixintu waxa sheegtay in korodhka xaddiga cunto ee ay dadku cuni jireen oo waqtiyaean dambe aad ug badanla ogaaday in ay disho dad tiradoodu ka badan tahay inta uu gaajadu disho.

Waxaa barnaamijka lagu sheegay in sannadkii 2010 ka, aygaajada iyo nafaqa darradu dunida ku dileen dad tiradoodu dhan tahay hal milyan dunida oo dhan. Halka tirada dadka sannadkaas u dhintay buurnida iyo miisaanka badan, iyo cudurrada ka dhasha ay tiradoodu dhan tahay 3 Milyan oo qof, sannadkaas 2010 ka oo keliya.

Barnaamijka oo sida oo kale soo bandhigay sida ay dadka dunidu ugu kala badan yihiin buurnimada ayaa sheegay in kontomaadkii qarnigii hore, ay dalka Shiinaha ku dhinteen dad tiradoodu dhan tahay 20 Milyan oo loo tirinayo in ay gaajo u dhinteen, dadkaas oo kala badh ay ubad ahaayeen.

Laakiin Shiinuhu imika duruuftaas waa uu ka soo koray, waxa aana ka hirgalay horumar dhaqaale iyo nidaam ganacsi oo sababay in maanta uu dalkaasi markii ugu horreysay taariikhda adduunka noqday dal aan laga filayn macaluul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here