Dhaxalsugaha Sucuudiga Oo La Sheegay In Uu Hooyadii Xabsi Guri Ku Xidhay Si Uu Uga Fogeeyo Aabihii Boqor Salmaan Iyo Jawaabta Sucuudiga

54
3320

Riyaad (Geeska)- Talefishanka NBC ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii toddobaadkii hore sheegay in dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, uu hooyadii Amiirad Fahdah Bin Falaax Aala Xathliin muddo ka hor istaagay in ay aragto odaygeeda isaga dhalay ee boqor Salmaan Bin Cabdalcasiis. Amiirka ayaa la sheegay in kala qarinta aabihii iyo hooyadii ay ka mid ahayd dadaalkii uu u galay in uu yimaaddo figta sare ee talada dalka Sucuudiga.

Warbixinta talefishanka ayaa lagu yidhi, “Maxamed Bin Salmaan hooyadii waxba kama ay faa’iidin dadaalkiisa uu isu dhigay in uu yahay nin yahay nin dib u habayn siyaasadeed aaminsan oo siyaasadihiisu furfuran yihiin, kuna hawlan in uu haweenka Sucuudiga xuquuqdooda oo buuxda siiyo.

Warbixinta talefishanka NBC waxaa lagu sheegay in 14 masuuliyiin Maraykana ah oo isugu jira kuwo hore iyo kuwo hadda xilka hayaa ay caddeeyeen in la helay xogo sirdoon oo muujinaya in Maxamed Bin Salmaan uu muddo laba sano ah hooyadii ka hortaagnaa in ay aragto aabihiisa boqorka ah. Isaga oo ka fogeeyey fursad kasta oo ay kula kulmi karto odaygeeda.

Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in mar kasta oo Maxamed Bin Salmaan la weydiiyo halka ay hooyadii ku maqan tahay uu sheegi jiray warar kala duwan, gaar ahaan aabihii u sheegi jiray in ay u baxday safar caafimaad oo dibadda dalka ah, isaga oo ka feejignaan jiray in uu boqorku si uun u ogaado in uu wiilkiisu sabab u yahay maqnaanshiyaha dabada dheeraaday ee afadiisa.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in sababta uu Bin Salmaan sidan u yeelay ay ahayd cabsi uu ka qabay in hooyadii ay diiddo in uu dhaxalsugaha ku soo boodo, oo uu ka soo tallaabo raggii kale ee uga xaq lahaa, maadaama oo ay tahay gabadh jecel in aanu qoyska boqortooyada khilaaf ka dhex abuurmin. Waxa uu Amiir Maxamed Bin Salmaan ogaa in hooyadii ay saamayn badan ku leedahay go’aan qaadashada aabihii, sidaas awgeedna ay u dhowdahay in ay ka hor istaagto in uu wiilkiisa dhaxalsuge ka dhigo. Tallaabadan ayaa ay masuuliyiinta Maraykanku u arkaan in ay calaamad u tahay sida uu dhaxalsuguhu u yahay nin madax adag oo diyaar u ah in uu iska horqaado caqabad kasta oo ka hor istaagi karta awoodda uu doonayo in uu qabsado.

Maxamed Bin Salmaan hooyadii amiirad Fahdah waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in mar sannadkii 2015 ka ahayd, oo uu boqor Salmaan magaalada Washington oo uu booqasho kula jiray kula kulmay madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Barak Obama, in uu ku yidhi, “Amiirad Fahda waxa ayxaalad caafimaad u joogtaa New York, sidaa awgeedna uu doonayo in uu booqdo” Barak Obama oo ay arrinta la yaab ku noqotay uma uu jawaabin boqorka, laakiin isaga iyo masuuliyiintii Maraykanka ahaaba waxaa u caddaatay xaqiiqanimada warkii sirdoon ee ay ku hayeen in dhaxalsuguhu hooyadii xabsi guri qasriga boqortooyada gudihiisa ah ku hayo.

Xogtan ayaa uu sirdoonka Maraykanku ka helay xogo gudaha qoyska ka mid ah, xogo sirdoonno kala duwan oo caalami ahi ururiyeen iyo taleefanno masuuliyiin boqortooyada ka tirsan oo la dhegeystay. Waxaa ka mid ahaa taleefan sannadkii 2016 ka sirdoonka Maraykanku dhegeystay oo uu Maxamed Bin Salmaan qof kale ugu sheegayey in uu hooyadii ka fogeeyey boqorka.

Si kastaba ha ahaato ee safaaradda boqortooyada Sucuudigu ku leedahay magaalada Washington ayaa beenisay warka talefishanka NBC ee sheegaya in Bin Salmaan uu hooyadii xabsi guri ku hayo, iyo in uu odaygeeda ka fogeeyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here