Dhaqannada bulsho ee aad ka filan karto Hindiya, Giriigga, Marooko, Tuuniisiya, Jarmalka iyo Isbayn

51
3587

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah dhaqannada kala geddisan ee bulshooyinka dunida ku nool. Waxa se afeef ah in ay suurtagal tahay in haddii aad bulshooyinkan dhextagto aanad arkin ama dareemin dhaqannadan qaar, sababtu waxa ay noqon kartaa dalka oo ay bulshooyin aad u tiro badani ku nool yihiin sida Hindiya, sidaa awgeed laga yaabo qoraaga dhaqankan qoray in uu qaybo bulshada ka mid ah uun daraaseeyey.

Waxa kale oo la ogyahay in reer magaalowga, isu furanka dhaqannada iyo horumarku ay wax badan ka beddeleen dhaqannadii soo jireenka ahaa, sidaa awgeed dalalka qaar dhaqannadani hadda raad badan oo muuqda kuma laha.

Hindiya:

– Haddii aad qof Hindiya marti u noqoto, waxaa iska caadi ah in laguu keeno koob biyo ah, sidaa awgeed iska jir in aad diiddo, waayo dhaqan ahaan waxaa qasab ah in aad aqbasho oo weliba wax uun ka cabto.

– Iska jir in aad dhunkasho dhabanka ah ku salaanto qofka hindiga ah. Marka aad is baranaysaan qofka Hindiga ah, ku dadaal in aad u marto hab rasmi ah oo dhammaystiran.

– Marka aad miiska cuntada fadhido, ha diidin haddii qofka aad martida u tahay uu doono in uu mar labaad cunto kuugu rido weelka aad ka madhisay cuntada, sida bilaydhka ama koobka aad cabbitaanka ka cabtay. Haddii ay ka fursan weydo oo aad ogtahay in aanad cuntadaas ama cabbitaankaas cusub waxba ka cunin, habka ugu fiican ee aad ku joojin kartaa waa in aad labada gacmoodba (Sacabbada) kor u lusho, adiga oo weliba calooshaada taabanaya, si aad ugu muujiso in aad dheregsan tahay oo aanad cunto dambe qaadi karin.

Giriigga

– Weliga guriga aad ku casuuman tahay ama martida ku tahay ha tegin adiga oo gacmo madhan. Sii qaad wax uun hadyad ah, haddii aad doonto macmacaan yar iyo nacnac ka dhig ama ubax sii qaado.

Ubaxu waxa uu ka mid yahay hadyadaha ugu badan ee la isku soo dhoweeyo dalka Giriigga, laakiin iska jir in aad soo qaaddo ubax aan fadhigiisii ku dhex jirin, waayo ubax aan koobkiisa wadan in aad qof u dhiibtaa waxa ay ka soo horjeeddaa dhaqanka.

– Haddii Qado laguugu casuumo, oo dad Giriig ahina qayb ka yihiin casuumadda, ku talagal in ay aad uga taahaan casuumadda. Waa arrin caadi ka ah bulshadaas in kulamada bulshada laga daaho.

Marooko iyo Tuuniisiya

– Guriga aad booqanayso ama laguugu casuumo u sii qaad waxoogaa hadyad ah, laakiin iska jir in aad sii qaaddo cabbitaan uu Alkahool ku jiro, waayo waxaa loo qaadanaya in aad xadgudub iyo xumayn u jeeddo. (Labada dal waa muslim, in kasta oo ay dhaqannada reer galbeedku ku badan yihiin).

– Cuntada laguu soo dhigayo waxaa qasab ah in ay ku jirto khubus, iska jir in aad dhan isaga leexiso adiga oo aan ugu yaraan dhadhamo yar ka cunin. Marka aad dalalkan joogto waxa aad maskaxda ku haysaa in ceeshka (Kimista ama khubusku) ay ka mid yihiin cuntooyinka sharafta leh.

Jarmalka

– Haddii aad Jarmalka joogto, waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in aad mar kasta niyadda ku haysaa waa ilaalinta waqtiga ballanta. Ma jirto fool xumo ka weyn in aad ballanta ka daahdo wax ka badan 15 daqiiqo. Waa marka ay ugu badan tahay laakiin daqiiqad kasta oo aad dib dhacdaa waa sharaftaada oo aad wax u dhintay.

– Haddii aad maqli jirtay, martida oo lagu leeyahay ‘gurigaagi in aad joogto oo kale u dhaqan’ Jarmalku waa uu ka duwan yahay. Weligaa adiga oo qof Jarmal ah marti u ah, ha dareemin ama ha u dhaqmin sida in aad gurigaagii joogto.

Isbayn

Waa iska caadi in miiska cuntada laga dib dhacaa, sidaa awgeed casho laguugu casuumo, sagaalka fiidnimo ka hor ha is geynin. Niyadda ku hay in laguugu qasbi doono in aad alkahool cabto. Haddii aanad cabbin casuumadda ka hors ii sheeg si aanay hadhow diidmadaadu weji gabax ugu noqon kuwa ku martigeliyey. U diyaargarow sheeko dheer oo saacado badan la wada qaato, ku sii talagal in aad aad u hadasho, waayo in aad aamuska badisaa waxa ay bixinaysaa dareen ah in aanad ku raalli ahayn fadhiga ama casuumadda iyo dadka kugu weheliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here