Wasiirka Warfaafinta Oo Buuggiisa Sooyaal Dartii Looga Yeedhay Golaha Wakiilada

29
3308

Hargeysa (Geeska)-Golaha Wakiilada gaar ahaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay u yeedhay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo qoray buug ay dood badani ka dhalatay oo lagu magacaabo Sooyaal. Waxa kale oo uu guddoomiye Baashe kulan la yeeshay Abwaan Maxamed Axmed Bedel oo soo bandhigay qoraalo xanaf leh oo  ku jira buuggan iyo weliba Ibraahim Xaaji Yuusuf Guuleed Dhoolayare.

Kulankaas uu guddoomiye Baashe la yeeshay labada dhinac oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa markii uu dhammaaday saxaafadda la hadlay Abwaan Bedel iyo Oday Ibraahim. Laakiin Wasiirka warfaafinta ayaan isagu saxaafadda la hadal.

Hase yeeshee Macalin  Maxamed Axmed Bedel iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf Xaaji Guuleed Dhoolayare,ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Wasiirka Warfaafinta waxayna Madaxweynaha ka codsadeen inuu xilka ka qaado Wasiirka Warfaafinta, isla markaana buuggan la gubo, waxaana Maxamed Axmed Bedel oo arintan ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaanu nimid Xaruntii Barlamaanka Somaliland, waxaanu la kulanay Guddoomiyaha Barlamaanka Muddane Baashe Maxamed Faarax, arintu waa bilow, markii hore waxay ahayd warbaahinta oo qolo waliba si dadban wax uga tabiso, laakiin imika Madaxdii qarankeena ayaa gacanta ku haysa, Guddoomiyaha Barlamaanka waxaanu u sharaxnay, buuggan oo uu qoray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Jamhuuriyadda Somaliland Guri-barwaaqo, Buugga waxa la yidhaahda Sooyaal, waxaanu gabi ahaantiisaba ku saabsan yahay Sayid Maxamed Cabdale Xasan, taariikhdiisi halgan, tiisi wadaadnimo, tiisii aftahanimo iyo dhammaan sooyaalkiisi oo dhan, buugan waa buug dhinac kaliya ka raran, waa buug lid ku ah, taariikhdii halgamaagii weynaa ee Sayid Cabdale Xasan, Sayid Cabdale Xasan, looma aanayn karo Somaliya, waayo halku ka dagaalamayey waa Taleex, Taleexna khariirada ay ku taalo waa la garanayaa, waa la hayaa, maaha halgamaa qabiil taariikhdiisa loo baabin karo, maaha qof, qof kaliya uu taariikhdiisa xukumi karo, umadda afsomaliga ku hadasha ee Somaliyeed wey taqaana Sayidku wuxuu ahaa, ee reer Somaliland qodob ha ogodaan, arintan habluhu qabiil bay noqonaysaa, haddii iyaduun laga sheekayo, laakiin waa in taariikhda la wada leeyahay la difaaca, si halyeeyada Somaliland Somalida kale u difaacdo”.

Bedel oo ka hadlaya Buuggan uu Wasiirka Warfaafintu qoray ayaa yidhi “Guddoomiyaha Barlamaanka waanu u sharaxnay buugga, waxaanu u sharaxnay inuu Buuggani aanu ahayn Buug ku haboon in la dhigo dhammaan goobaha waxbarashada iyo meelaha ay da’ yartu iskugu timaado, Buuggan waxa ku yaala erayo aan haboonayn oo aan ku haboonayn afka qofka miyirka qaba, ama xishoonaya, waa erayo waa gabayo la wada nasaqay oo taabanaya xubnaha taranka haweenka, qaarna waxay taabanayaan halkay saxaradu soo marto oo aan haboonayn in aan halkan ka sheego, markaas waanu fahansiinay gabaygiina gaar baanu uga hadanay, ee fadeexada iyo cayda xambaarsanaa, ee birmagaydada haweenka Somaliyeed meel kaga dhaca kaga ahaa, waxaanu u sheegnay Guddoomiyaha inuu Gabaygani uu yahay Gabay been abuur ah, oo cida lagu qoray aanay tirin, ninka lagu qoray ee Dhoolayare, wuxuu ahaa nin sheekha, wuxuu ahaa nin gabaygiisi la bedelay, Gabaygan isagu ma leh, isagu wuxuu lahaa Gabay, nimankii kabacada ahaa baa gabaygii helay oo bedelay, inta warbaahinta ku aragteen ee hablaha taabanaya, ee foosha xun ee dhaqanka iyo anshaxeena diinta islaamka  baalmarsan, ayey u bedeleen, markaas Guddoomiyuhu wuu naga garawsaday, waxa halkan ku qorana muran kama taagna, cid dood ka celin kartaana ma jirto, Wasiirku isaga ayaa qoray, isaga ayaana tafatire ka ahaa, laakiin Wasiirku wuxuu sheegay inuu si kale u jeeday, sida kale ee uu jeeday ayaa xittaa been ah, oo wuxuu yidhi Dhoolayare oo gabayaaga laga saaray, ayaan doonayey in aan tusaale u soo qaato, Sayidkana laga saaro, Dhoolayare gabayaa lagama saarin, Guddoomiyuhu wuxuu yidhi anagu ma xukumi karno, anagu buugga ma gubi karno, anagu xilka kama qaadi karno, laakiin arintaas waan idinka garawnay, cidna kulama socono, waxaanu cabashadiina u gudbinaynaa Madaxweynaha, Madaxweynahana hablaha halkan ku qoran ayaa dhalay, iyaga ayaa naaska ku duway, iyaga ayaa dhabta ku qabtay, iyaga ayaa inuu Madaxweyne noqdo soo gaadhsiiyey, xittaa wuxuu yidhi Maxkamad haddii ay noqonayso arintu wey soconaysaa”.

Ibraahim Xaaji Yuusuf Xaaji Guuleed Dhoolayare, oo uu awoow u yahay Abwaan Dhoolayare, oo ah Abwaanka lagu soo qaatay Buugga, gaar ahaan Abwaanka la sheegay inuu Gabaygan hablaha wax lagaga sheegayo tiriyay, ayaa sheegay in Gabayga awoowgii la bedelay, oo laga been abuuray, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay kana codsaday inuu Wasiirka Warfaafinta uu xilka ka qaado, madaama uu sheegay inuu qoray buug umadda iska hor keenaya, waxaanu ku taliyey in guud ahaan Buuggan lagu magacaabo Sooyaal ee uu qoray Wasiirka Warfaafintu inuu meel kasta oo uu yaalo la tirtiro, waxaanu Wasiirka Warfaafinta ugu baaqay inuu arintan xaal marin ka bixiyo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diriye (Nacnac), oo isna ka hadlay arinta Buugan uu qoray Wasiirka Warfaafintu ayaa yidhi “Barlamaanku waa kan u yeedhay Wasiirka, hablaha in la caayo waa xaaraan, haddii la caayo fidinteedu waa xaaran, nabigu  SCW wuxuu yidhi qofkii fidno toosiya waa ku xaaran, waa la isku gabyi jiray, gabayada waa la isku caayi jiray, in la qoro waa xaaran, waliba gabay hablo lagu caayayo in la qoro waa xaaran, ee waataas Guddoomiyaha loo sheegay ee loo gudbinayo Madaxweynaha ee ninkaas wax halaga qabto, oo waliba sharciga ha lala maro, ninkaasi wadankii buu qalaan-qal galiyey, intii aanu horumar ku soconay oo hore ayaa loo soconaayey ee dib buu noo soo celiyey, markaas waxaanu leenahay dib baa loo soconayaa ee ninkaas naga qabta, oo umadda ka qabta”.

Xildhibaan Jaamac Riyo oo isna ka tirsan Guurtida ayaa yidhi “Nuxurka buugga iyo wuxuu xambaarsan yahay waxa faah-faahin ka bixiyey Maxamed Bedel,ee waxaan doonayaa tuduc uu tiriyey ninkii la odhan jiray Dhibaaxo-jaan, mar ay isku gabyayeen ninkii la odhan jiray Khaliif, ayaan doonayaa inuu Wasiirku maqlo iyo wixii garaad liitaaba, waxa uu tuducaasi odhanayaa Waran meel xun laga riday,

dib buu ku malkanayaa,

waxa jira mashruuc aan la galin lagana maansoon,

dibnaha maroorsama ninkii mawqifkaas gala,

ma macaasho kii hablaha cay ugu miciina,

ninka reer Isaaq iyo gabdhuhu mudanka daaroodka,

midna malaha habluhu waa maal inoo dhexa ,

waa madheedh inoo wada baxa oo cidina ka maarmayn,

maxa cayda mooskaaga taala magane ku geeyey,

macdantii iyo xishoodkiiyo maxa sharaftii ka maydhay,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here