Dhaq-Dhaqaaqa Gacmaha Ayaa Aad Ka Garan Kartaa, In Hadalkiisu Uu Ka Turjumayo Waxa Uu Maanka Ku Hayo (2)

0
523

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika soo turjumay ee ay Dr. Laura Anaczkova ku soo bandhigaysay sida ay xarakaadka gacmuhu sameeyaan marka la hadlayo ay uga turjumi karaan waxa maanka qofka ku jira.

– Qofka oo marka uu hadlayo labada gacmood dhabarka isugu keena: Khabiirka aynu qoraalkiisa soo xigannay ee Dr. Laura waxa ay sheegtay in baabacada oo la muujiyaa ay la mid tahay marka uu eygu dhabarka u seexdo oo boggiisa uu muujiyo, taas oo ah hab uu ku muujinayo daacadnimo. Haddii qofku uu labadiisa gacmood uu isugu keeno xaggiisa dambe oo salalka dushooda ah, isaga oo ay baabacadu dhinaca dusha xigto oo qofka xagga dambe kaga yimaaddaa uu arki karayo, waxa ay taasi la mid tahay xarakaadkaas aynu kor ku soo xusnay ee eyga oo daacadnimo ayaa ay muujinaysaa, haddiise ay baabacadu u qarsoontay oo uu labada gacmood isu saaro qaab aanay baabacada midkood muuqanayn waa astaan muujinaysa in uu yahay ruux cadaawad iyo caaridis badani ku jirto.

Haddii dhan kale laga eegana ruuxa xarakaadkan lagu arko marka uu hadlayo ee weliba gaar ahaan marka uu socda ah, waxa ay astaan u tahay in uu yahay qof awood iyo sarrayn tirsanayo. Waxaa iyaduna la mid ah marka uu qofku gacmaha labada jeeb geliyo.

– Gacmaha oo isku duuban haddii uu qofku laabtiisa saaro, qaabka mutarabaca loo yaqaanno, waa astaan is-difaac muujinaysa, waxa aanay caddaynaysaa in qofkani qofka uu la hadlayo ka filanayo wax aan raalli gelin, sidaa awgeed diyaar u yahay in uu iska caabbin hadal ah la yimaaddo ama in uu naftiisa xakameeyo oo aan laga dareemin.

– Labada baabaco oo la iska horkeeno iyada oo aan la isku dhejinna faraha xaggooda hore inta la isa saaro la isku cadaadiyo waxaa caan ku ah dadka sharciga, ganacsiga iyo maamulayaasha ganacsiga, waana astaan muujinaysa isku kalsoonaan, haddiise uu qofku isaga oo sidaa gacmaha isu saaray dhaq-dhaqaajiyo waxa ay astaan u tahay in uu yahay ruux qab ku jiro oo naftiisa la dhacsan aadna isu qanciyey.

– Qofka oo marka uu ku salaamaya gacanta hoos oo dhinaca dhulka ah si tartiib ah kuugu cadaadiya iyada oo ay baabacadiisuna dhinacadhulka u jeeddo waa astaan isa sarraysiin iyo cadaawadeed, waxa aanay ka duwan tahay qofka oo marka uu ku gacan qaada in yar gacanta kugu adkeeya iyada oo ay baabacadu dhinac u jeeddo ama dusha u soo jeeddo.

– Xarakaadka ugu xiisaha badan ee ay khabiir Laura sheegtay waa gabadha oo marka ay dood iyo wada xaajood ku jirto la arko iyada oo inta ay gacanta kor u qaadday baabacadeeda madaxa marisay si ay timaha dib ugu celiso, arrintan oo ay ku macnaysay in ay astaan u tahay in ay gabadhu aqbashay in ay hoosayso ama doodda iyo arrinkaas socda u hoggaansatay dhinacii ka soo horjeeday. Dhammaad