Hargeysa(Geeska)-Dhallinyarada magaalada Hargeysa, gaar ahaan kuwa degmooyinka Gacan libaax, 26 June iyo Ibrahim Koodbuur, ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyay murashaxnimada uu toddobaadkan ku dhawaaqay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Qoraal ay dhallinyaradu soo gaadhsiiyeen Geeska Afrika, ayaa waxa ay ku yidhaahdeen sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 6/5/2014, waxa xoogga dhalinyarada ee deggan xaafadaha kor kuxsan ay taageero mug weyn u fidinayaan dhawaaqii ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga kulmiye , ee uu isugu soo taagay jagada murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye.
Guddoomiye, annaga oo ku kalsoon karti ahaan, aqoon ahaan, siyaasad ahaan, waxaan halkan ku cadaynaynaa in ay tahay maanta maalintii ku haboonayd , waqtigii ku habboonaa ee aad isu soo taagi lahayd booska aad u qalanto ee ad ku dhawaaqdey.
Guddoomiye , haddii aannu nahay aqoon yahanka dhalinyarada ah ee degmooyinka kor kuxusan waxaan halkan ku cadeynaynaa inaan kula garab taaggannahay taageero mug weyn oo ah tii aan siin jirrey isla markaasna ragga kale ku dhaafiney madaxweynaha maanta talada dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Shaki kuma jiro in waxa umadi ku horumartaa tahay tixgelinta dadkeeda qiimaha leh, kartida leh , taariikhda leh, kuwaasi geya in ay helaan abaalka qaranka ay ku leeyhiin.
Shaki kuma jiro in murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga kulmiye MUDANE MUUSE BIIXI CABDI ay taagan tahay in uu goosto midhihii halganka isla markaasina u fadhiyo abaal celintii bulshadiisa, inagoo taas ka duulayna waxa dhalinayarada deegaannadda balaadhan ee Gacan libaax, 26- June, Koodbuur ku dhawaaqayaan :
I n aan hambalyo dhamaystiran oo kal iyo laaba ah u direyno gudoomiyahay xisbiga kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi .
Inaan taageero hiil iyo hooba la garab taagannahay gudoomiyaha xilli kasta iyo waqti kasta .
In aan soo dhaweynayno isku duubnida xisbiga kulmiye gudo iyo dibedba.
In aan kasoo horjeedno wixii abuuraya khilaaf iyo kala tagga xisbiga gudihiisa.
Guntii iyo gebo gebadii waxaan u soo jeedinaynaa, cuqaasha, salaadiinta , xildhibaanadda, beelaha, aqoonyahanka iyo cidkasta oo reer Somaliland ah inay taageero buuxda u fidiyaan dhawaaqa gudoomiyaha tahayna maalintii abaal celinta mujaahidiinta dhiigooda u hibeeyay xoriyadda qarankani haysto .
Waxa tageeradaa soo saaray dhalinyarada :
Mohamed Omer Abdi (xato)
Abdi Mohamed Yasiin (diito )
Iid Abdilaahi Adam (iid gabad)
Sh.c/raxmaan
A/deeq Muxumed Aadan (indhacase)