Ceeg: Dad Xoolo Dhaqato Ah Iyo Dofaaro Ooman Oo Biyo Ku Dagaalamay

0
659

Ceeg(Geeska)-Magaalada Ceeg oo dhanka hawdka ka xigta Burco ayaa dadka xoola dhaqatada ah iyo koox doofaaro ah ay isku haleeleen ceelashii tirada yaraa ee biyahu ay ku jireen kuwaas oo laga waraabinayay dadka iyo xoolhii ay wateen.

Doofaaradan haraadan ayaa iyaguna dhinaca ka soo galay xoolahii la waraabinayay waxaana ay dagaalameen dadka xoolaha waraabsanaayay, Cabdilaahi Aw Siciid oo halkaas joogay ayaa biyo uga iibiyay kooxdan doofaarada ah ee haraadanayd dadkii ceelashaas lahaa, waxaana isaga oo la hadlay tilifishanka RTN hadaladiisa ka mid ahaa "Halkan waxa ka muuqda doofaaradii Ceeg joogay kuwaas oo aad u diifaysan meel dhulka ahna aanu biyo ugu shubnay, waliba biyaha aanu u iibinay, Alle ayaanu u baryaynaa inuu xayawaankiisan soo waraabiyo."

Kooxdan doofaarada ah ayaa ay ka muuqatay dhibtaato xoogan oo ka soo gaadhay abaarta iyo oonka daran ee ay biyo ay cabaana ka la'yihiin, waxa uu ninkan dadka deegaanka ugu baaqay inay caawiyaan xayawaanka si Alle iyagana dhanka samada uga soo caawiyo.