Xildhibaanada Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ka Hadlay Khudbadii Madaxweynaha

0
476

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan khudbadii Sannadlaha ahayd ee uu Madaxweynuhu Shalay ka hor jeediyey labada Gole Qaran, waxaana qaar ka mid ah  Xildhibaanadani dhaliileen saluugna ka muujiyeen qodoba ka mid ah oo uu Madaxweynuhu ku daray Khudbadiisa, halka qaar kalena ay difaaceen isla markaana sheegeen in Khudbada Madaxweynuhu aad u fiicnayd.

1

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo isagu ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Madaxweynuhu qodoba muhiim ah ay khubadiisa ku jireen, balse waxa uu si gaar ah u soo qaatay qodobkii uu Madaxweynuhu kaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliyawaxaanu yidhi “Dawladda ka dhisan Xamar ilaa hadda magaceena Somaliland inooma aqoonsana, waxaana wanaagsan in ilaa inta ay qirayaan Magaceena iyo inaynu nahay dawlad iyo dal madax banaan inaynaan la hadal, ta kale Madaxweynuhu haddii uu soo hadal qaaday Ictiraaf raadinta in Guddi loo sameeynayo, waxa aan leeyahay aniga oo ka mid ah Guddida Arrimaha Dibada ee Wakiilada, waxa muhiim ah in Guddidaas aad kaga darto xubno, oo aanad ka tagin”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo isna ka tirsan Golaha Wakiilada, ahna Afhayeenka XIsbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa isna waxa uu saluug ka muujiyey qodobo badan oo uu Madaxweynuhu ku soo daray Khudbadiisa, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu si wanaagsan aanu uga hadal wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, kana tagay qodobo aad muhiim u ahaa oo loo baahnaa inuu ka hadalo. Waxa kale oo uu dhaliilay qaabka uu madaxweynuhu uga hadlay sicir bararka oo uu xildhibaanku sheegay in cashuuraha la kordhiyay ay keeneen.

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaki), Xildhibaan Ruush iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac,oo iyana dhammaantood ka mid ah Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, ayaa dhankooda waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen dhaliisha Xildhibaada Mucaaradka ee Khubada Madaxweynaha, waxayna sheegeen inuu Madaxweynuhu si aad u qiimo badan u hadlay, khudbadiisana u soo jeediyey, wakhti ku haboona uu jeediyey.

Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa iyana dhankooda aragtiyo kala duwan ka bixiyey khudbada Madaxweyanaha, qaar ka mid ah wey amaaneen halka qaar ka mid ahina ay dhaliileen.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa shalay markii uu khudbadiisa dhamaystay ayaa Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ay isku dayeen inay Su’aalo weydiiyaan balse Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hor istaagay, isla markaasan joojiyey su’aalihi, iyada oo Xildhibaano ka tirsan Golayaashani  ay doraad ka codsadeen Shir gudoonka Guurtida iyo Wakiilada inay Madaxweynaha su’aalo weydiiyaan balse wey ka diideen dalabkoodaas, waxaynta taasi sababtay in aanay Xildhibaano badan oo Mucaarad u badani aanay ka soo xaadirin Khudbadii Madaxweynaha, iyaga oo qaar badanina goob joog ahaayeen balse aanay galin Xarunta Golaha Guuritda ee uu Madaxweynuhu ku sugnaa.