Ciyaartoyga Gobalka Togdheer Qaarkood Oo Eeddo U Jeediyay Wasaaradda Ciyaaraha

0
543

Burco(Geeska)-Qaar ka mid ah dhalinyaradda Kubadda Cagta ee gobolka Togdheer  ayaa cabasho ka muujiyay qaabka wasaaradaasi u xulayso  kooxaha ciyaartoyga gobolka Togdheer ee u safan-doona ciyaaraha gobolada ee la filaayo in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan  iyagoo eedaymo u jeediyay wasiirka iyo isu duwaha gobalkaas ee ciyaaraha. Laakiin isuduwaha wasaaradda ee gobalkaas ayaa eedaynta gaashaanka ku dhuftay.

 

Sidoo kale kooxahan oo  u waramay Geeska Afrika ayaa Isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Togdheer  Cabdiraxmaan Yuusuf Fagadhe iyo Wasiirka wasaaradaasi Cali Raygal ku eedeeyay in ay kala qaybin ka dhex bilaabeen kooxaha  ciyaaraha ee gobolkaasi ,taasi oo uu mudooyinkii  u danbeeyay khilaaf ka dhex tag-naa ,hasa-yeeshee uu dhinac iskaga duway agaasimaha ciyaaraha Togdheer. “ Anigoo ka mid ah ciyaartoyga gobolka ee ka qaybqalay ciyaarihii gobolada ee  sumcad xumada Burco usoo hoysay ee Afarta gool lagu dhuftay iyadoo gurigayagii lagu ciyaaraayo ,taas oo ahayd  sabab ka jirta wasaaradda Spoortiga ee gobolka Togdheer dhexdeeda oo ay ka danbeeyeen rag ka mid ah wasaaradda kuwaasi oo cayaarahii Kubada siyaasad dhex galiyay oo u diiday ragii waxan aqoonta u lahaa ,ciyaartoygiina kala qaybiyay . Markaa iyaddoo wasaaradda laga filaayay in ay u guntado sidii aaney guuldaradaasi usoo noqon isla markaana ciyaartoyga gobolka xaafad xaafad ku soo xulaan ayaa  isuduwihii ciyaaraha ee gobolku waxa uu bilaabay in ,cayaartoygii cayaaraayay uu xaafad qudha ka dhigo ,tababarayaashii iyo kabtanadiina isku reer  ka dhigo ,markaa waxaanu leenahay waxaasi wax soconaaya maaha ,waxaananu ku eedeaynaynaa arintaa oo ka danbeeya isuduwaha iyo wasiirka ciyaaraha “ Sidaasi waxa yidhi Maxamed Cabdi Maxamuud (Cadho) oo ka mid ah ciyaartoyga gobalka Togdheer

 

Ayaanle Cabdale X. Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa. “ Horta marka u horeysa waxan la ciyaarayaa waa Kubad ,sababta Kubada loo ciyaarayaa ee gobolada layskaga horkeenayaana waa in dhalinyaradu is dhex gasho ,la mideeyo ,dad isjecel oo isbarta oo walaalo ah noqdaan ,markaa anagoo aan goboladii kale is gaadhin ayay wasaaradayadii muujinaysaa qaabab xun xun ,oo ay waxyaabahii aanu uga jeednay Kubadan aanu ciyaarayno in lagu dilo  qabyaaluna ka mid ka ahayd is dhexgalka dhalinyaraduna ka mid ka ahayd ayaabay wasaaradayadii gobolku wixiiba iyadii dhinac ka raraysaa ,anagoon gobol kale-ba gaadhin ayay iyadii nakala qaybinaysaa waana waxaanu ka cabanayno . Markaa waxaanu  wasaaradda ka codsanaynaa  intaaney faraha ka baxin guuldaro xumina gobolka usoo hoyan in waxan nalaga hagaajiyo oo ciyaartoyga gobolka laysku dhex daro ,haddii kale waxa dhici-doonta in guuldaradii hore mid la mid ahi gobolka ka dhacdo oo aanu kaftami wayno “ Sidaasi ayuu Cabdale hadalkiisa kaga baxay.

 

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Mustafe Cabdiraxmaan ,Xasan Cali Cismaan iyo Cabdixakiin Cali waxaaney dhamantood khilaafkan ka aloosan xulista ciyaartoyga gobolka Togdheer ku eedeeyeen isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Togdheer iyo wasiirka waxaaney ku wargaliyeen in ay si deg deg ah wax uga qabtaan cabashadooda ,hadii kale ay masuuliyadeeda qaadi-doonaan wixii ka yimaada ee guuldaro ah.

 

Geesta kale isuduwaha Wasaaradda ciyaaraha gobolka Togdheer Cabdiraxmaan Yuusuf Fagadhe oo aanu eedaynta  loo jeedyay wax ka waydiinay ayaa dhinac iskaga duway  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Anigu arintaa wax shaqo ah oo aan ku leeyahay ma jirto  xulista ciyaartoygana waxa ku shaqo leh ,macalimiinta ciyaartoyga u xilsaaran ,xulistooda “Sidaasi ayuu hadalkiisa oo kooban kaga baxay.