Beesha Muuse Carre Oo Shir Isugu Tagtay Deegaanka Cali Ciise Iyo Caaqilka Guud Oo Ka Waramay

1
1032

 

Hargaysa( Geeska)-Chief Caaqil Cabdiwali Maxamuud Faarax oo ka mida cuqaasha beesha Muuse Care ayaa ka xog waramay socdaal ay ku tageen Odayaal,Siyaasiyiin iyo xubno kale oo muhiima oo beeshaas ka tirsani magaalada Cali Ciise ee gobalak Sanaag, waxaanu  sheegay inay xadhiga kaga soo jareen dugsi hoose dhaxe ilaa sare oo boodhina.

Ragga halkaas tagay waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gabose iyo siyaasiyiin kale. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Caaqil, waa maxay ujeedada safarkiinani?

 Waxaan tagnay magaalo la yidhaahdo Cali Ciise magaaladaas waxaan ka samaynay dugsi boodhina oo ka kooban dugsi hoose dhexe ilaa sare, markaas dugsigaas ayaa ay dulucdayadu ahayd in aan furno oo xadhiga laga jaro, horebana arday ilaa 300 ah ayaa  dhiganayay  laakiin dugsiga sare ayaan soo furnay, arinta ugu wayn ee aan u tagnay magalda sidaas ayay ahad”

Caaqil waxa safarkaas idinku wahelinayay rag siyaasiyiina iyo kuwo kaloo muhiima markaas marka laga yimaado arintaa dhanka arimaa bulshadaa maxaa idiin raacay?

Dugsiga waxa kale oo noo raacay runtii dano badan oo beesha qabyo u ahaa waanan ka soo wada hadalnay waxyaabahaas qabyada beesha u ahaa, waxyaabahii aanu halkas u wada tagnayna waanu ku wada guulaysanay oo waan soo wada qabsanay, dee kolay waad iska taqaanaa reer shiraya waxa ay ka hadlaan arimo danahooda uun ah, arintan siyaasiga ah ee cusub imikana wadanka ku soo biiraysa doorkii ay ku lahayd beeshu inay qabsato aya kamid ahaa.

Ka jiif caaqil ahaan sidee baad u aragtaa kuraastii aad ku lahaydeen dawlada imika gacanta kuma haysaan arintaas dareen ahaan sideed u aragtaan?

Kuraasta waligayo waanu ku fadhiyi jirnay hadaan ka tagno oo cidkale ku fuushana waxa weeye dhib badan maaha, lakiin kolayba qabaa’il ayaynu ku fadhinaayoo dee waxa weeye maadama oo aynu wax walba beelo ku qaybsano dee kolayba dawlada ilaa dhawr iyo labaatan mansab oo aan ku lahayn xukumaadu waa ay naga wada qaaday, dee dareenkeeda waanu leenahay lakiin imika arinta aan u baxnay may ahayn kursi nala qaaday wax ka fog ayaanu ka tashanaynay.

Comments are closed.