Dhallinyarada Kenya Oo La Sheegay Inay Ka Barbar Dagaalamaan Al-Shabaab

0
715

 

shabab

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sheegeen in urur-ka Al-shabaab ay Xarumo waawayn ay ku leeyihiin gudha dalka Kenya, waxaana ay tilmaameen inay sii kordhayaan tirade  dhalinyarada Kenyaatiga ee ay qoranayaan urur-ka Al Shabaab.

 

Saraakiishu waxaa ay tibaaxeen in Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al shabaab oo uu ku jiro Abuu Mansuur AL-Ameriki oo ah nin u dhashay dalka Maraykanka uu ku sugan yahay dalka Kenya islamarkaana magaalooyinka waa’wayn ee dalkaas ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo xooggan oo la xidhiidha dhinaca argigixisanimada.

Golaha amaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dhalinyarada Kenyaatiga ah ee xilligaan ka barbar dagaallamaya Al Shabaab ay qakhar ku yihiin amaanka gobolka Geeska Afrika, waxaana ay cadeeyeen in lagama maarmaan ay tahay in laga hortago howlgalladaas.

Dhinaca Madaxa Xarunta dambi baadhitsta ee dalka Kenya Ndegwa Muhoro ayaa waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeedhaya Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay aanay marna fudadeysan doonin, isagoo tilmaamay in Ciidamada booliska dalkaas ay heegan buuxa galiyeen si ay uga hortagaan dhaq dhaqaaqyada ururuka Al Shabaab ay ka wado dalka Kenya.

Mr. Muhoro oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay looga baahanyahay inay soo dhamaystirto Warbixintaan sheegaysa in dhalinyaro Keenyaan ah ay ka barbar dagaallamaan ururka Al Shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa horey ugu eedeysay in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ay lacag udrieen Xarakada Al Shabaab, iyadoo arintaas ay si kulul u beenisay dowladda Kenya oo gabi ahaamba sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.