Fadhigii Golaha Guurtida Oo Lagu Soo Bandhigay Culayska Ka Jira Xabsiyada Dalka Iyo Sida Wax Looga Qaban Karo

0
586

 

guurti

Hargaysa (Geesdka)-Gudoomiyaha arimaha bulshada ee golaha guurtida Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho indho) ayaa golaha guurtida ee Somaliland u soo bandhigay culayska ka jira xabsiyada dalka, isaga oo xildhibaanku golaha ka hor akhriyay tirada maxaabiista ku jirta jeelasha wadanka, isla markaasana waxa uu talo ku soo jeediyay in lagarab istaago dhisitanka cadaalada dalka.

Fadhigan ay warbixinta lagaga dhagaystay guddida arimaha bulshada ee golaha guurtida oo shalay qabsoomay waxa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowadaad ee golaas  Sh.Axmed Sh. Nuux Fure.

Ugu horayantii waxa uu xildhibaan Cabdiqaadir Indho indho ku sheegay inay tahay tirade guud ee maxaabiista ku xidhan xabsiyada Jamuuriyada Somaliland 2326 ( Labatun kun sax boqol iyo labaatan iyo lix) maxbuus,. Isla markaana waxa uu sheegay in ay garsugayaal yihiin 496 maxbuus oo ay xabsiyada ku sii xidhan yihiin. Xildhibaan Cabdiqaadri waxa uu dhibaato wayn oo muujinaysa cadaalad darada wadanka ka jirta uu ku tilmaamay maxaabiista mudo dhaafka ah oo uu tiradooda ku sheegay 217 maxaabiisa oo kujira xabsiyada guud ee jamuuriyada Somaliland.

 Xildhibaanku waxa uu ugu dabayntii soo jeediyay talooyin uu sheegay inay cadaaldu u baahan tahay, waxaanu dayro ka muujiyay garsoorayaasha oo uu ku tilmaamay in aanay ahayyn dad umad lagu aamini karo, hadaladiisana waxa kamid ahaa “Talooyinka aanu soo jeedinayno waxa kamida gudidada cadaalda in la adkeeyo oo ay noqdaan rag garsoorayaasha isha ku haya maalin walba kiiska ay xukumayaan, oo muda intaa leeg ee rumaanka inta loo diray jeelasha ka buuxda si loo galo ayaa loo baahan yahay, waxa loo baahan yahay in dadkan isteeshinada  joogaa ay aqoon leeyihiin, oo aan dadka inta sariibada laga soo qabsado aanay garsoorayaashuna rumaan u dirin. Isaga oo xildhibaan Cabdiqaadir Indho indho hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “Madaxwaynuu waxii uu caadalada ka yidhi wax ka badan oo la odhanayaa majiraan ee sidii loo saxi lahaa ayuun baa taala taasna waxaan soo jeedinaynaa in labda gole iyo madaxwaynuu ay u saaraan guddi in mudo ah la shaqaysa gudiga cadaalda,  waayo meeshaa garsoorayaasha fadhiyaa garsoorayaal umad lagu aamini karo maaha. Gudidad cadaalduna mar hadaan in mudo ah lagarb galin oo taageero dhaqaale iyo mid sharciyadba lala garab galin, oo aaanay nimankaas hiil helin horta cadaaldu sidee’daasay ahaanaysaa .”

 

Ugu dambayntii xildhibaanda golaha guurtida ee Somaliland waxa uu gudoomiye Fure u sheegay inay galayaan fasax kudhwaad afartan casho qaadanaya, maadama oo lagu jiro bishii ramadaan loona baahan yahay in cibaado bishan lagu xoojiyo. Waxaanu gudoomiyahu kuadkeeyay xildhibaanada inay gudan doonaan hawlaha badan ee u yaala fasaxa kadib.