Cilmibaadhis ay korjoog ka ahayd hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay inda’ yarta adduunka daafihiisa ku dhaqani ay caafimaadkooda khatar gelinayaan, kaddib markii ay ka caajiseen samaynta jimicsiyada ka caawin lahaa dhimista miisaanka, iyo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.
Cilmibaadhistan oo natiijadeedu ay soo baxday 22-kii Noofambar ayaa natiijadeeda ku salaysay baadhitaanno ay ku samaysay warbixinaha iyoxogaha caafimaad ee 1.6 Milyan oo qof oo ku dhaqan 146dal oo adduunka, taas oo natiijada ka soo baxday ay noqotay in carruurta da’doodu u dhexeyso 11 illaa 17 sano, aanay boqolkiiba 80 u hoggaansamin talooyinka hay’adda qaramada midoobey ee caafimaadka adduunka oo ah in maalin kasta hal saac oo jimicsi ah ay sameeyaan.
Fiona Paul oo ku xeeldheer faa’idooyinka caafimaad ee jimicsiga, kana mid ahayd xeeldheereyaasha daraasaddan ka qaybgalay ayaa sheegtay in afar shantii carruur ahba afar ka mid ahi aanay helin faa’iidooyinka caafimaad, jidheed, bulsho iyo maskaxeed ee laga helo jimicsiga joogtada ah. waxa aanay masuuliyiinta siyaasadda ee adduunka ku boorrisay in ay taallbo degdeg ah ka qaadaan sidii loo badbaadin lahaa caafimaadka jiilkan da’yarta ah iyo kuwa mustaqbalka iman doonaba.
Dhinaca kalana waxa ay daraasaddani ogaatay, marka ay u heellanaanta jimicsiga noqoto in ay habluhu ka caajis badan yihiin wiilasha, kaddib markii dadkii tijaabooyinka lagu sameeyey la ogaaday in boqolkiiba 85 habluhu aanay jimicsiga u dirnayn, halka wiilashu ay in yar ka hooseeyaan oo boqolkiiba 78 aanay saamayn jimicsiga maalinlaha ah ee looga baahan yahay. sababaha ay habluhu ugu bateen ka wahsiga jimicsiga waxaa ka mid ah jimicsiyada iyo hababka jimicsi ee la isticmaalo oo u badan kuwo hablaha aan ku habboonayn ama xiisaha ugu badan u abuuraya wiilasha. Ayaa lagu yidhi warbixinta.
Lynn Riley oo ah khabiir ku xeeldheer cudurrada aan gudbin, oo ka tirsan ururka caafimaadka adduunka, qaybna ka ahayd cilmibaadhistan ayaa sheegtay in Teknoolajiyadu ay ka mid tahay sababaha dhalinyarada ku abuuray ka wahsiga jimicsiga. Maadaama oo ay da’ yartu waqti aad u badan ku qaataan taleefannada casriga ah iyo aaladaha la midka ah.
Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay sheegtay in jimicsiga iyo xarakaadka jidhku ay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in ay wanaagsanaato shaqada wadnaha, sambabada, muruqyada iyo lafaha oo dhammaantood uu miisaanka dheeraadka ahi khatar ku yahay.