30 Daqiiqo Oo Jimicsi Maalin Kasta Ahi Waa Dawo Waxtar Badan Oo Dhiigkarka Lagula Dagaalami Karo

0
869

 

Jimicsigu waxa uu kordhiyaa shaqada tayada leh ee dhiigkarka, sidaa awgeed waxa uu ka mid yahay sababaha ugu muhiimsan ee hoos u dhiga dhiigkarka.

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay caddeeyeen muhiimadda caafimaad ee 30 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq iyo jimicsi maalin kasta ahi ay u leedahay caafimaadka. Iyaga oo intaas ku daray in aanay waajib qasab ahayn in qofku uu tago goobaha jimicsiga iyo jidh dhiska, balse ay ku filan tahay in uu socdo, iyo jimicsi kasta oo garaaca wadnaha inta dabiiciga ah ka badinaya.

Dhimista miisaanka

Jimicsigu waxa uu gubaa dufanka iyo xaydha jidhka ku urura, waxa aanu xoojiyaa muruqyada, sidaas awgeed miisaanka ayaa uu hoos u dhigaa. Waxa ay khuabrada caafimaadku caddeeyeen in qofka miisaanka saayidka ahi saaran yahay oo shan kiiloogaraam oo keliya hhimaa ay ka hortag u noqon karto kicitaanka dhiigga.

Dabbaasha

Dabbaashu waa jimicsiga ugu habboon ee uu qofku isaga oo aan dareemin waqti ku qaadan karo. Khubarada caafimaadkuna waxa ay xaqiijiyeen in qofka oo maalin kasta 30 daqiiqo dabbaashaa ay dawo la taaban karo u tahay dhiigkarka.

Muddada jimicsiga

Jimicsigu waxa uu dhiigga dejiyaa qiyaas ah 5 illaa 15 dhibcood, waxa aanay inta badan ku xidhan tahay noocyada jimicsi iyo muddada u uqofku wadayo. Talada ugu fiican ee dhakhaatiirtuna waa in qofku uu shan maalmood oo ka mid ah toddobaadkii, maalin kasta jimicsado ugu yaraan 30 daqiiqo.

Waxa kale oo ay khubaradu qofka dhiigkarka leh kula talinayaan in jimicsiga uu si tartiib ah ku bilaabo, kadidbna uu tallaabo tallaabo u kordhiyo. Tusaale ahaan in uu bilaabo socod toban daqiiqo ah maalintii, kadidbna 15 ka dhigo,sidaasna kor ugu sii socdo isaga oo sida oo muddo kaddibna ku daraya jimicsiga kale ee jidhka oo qudhiisana uu si yar ku bilaabayo.

Jimicsiyo aan xidhiidh ahayn

Waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofka dhiigkarka leh uu muddada hore samaysto nidaam jimicsi oo aan xidhiidh ahayn. Tusaale ahaan in 30 daqiiqo ee uu maalin kasta jimicsanayo uu u qaybo saddex meelood oo meel kastaa 10 daqiiqo tahay. isaga oo dhex gelinaya hawlihiisa kale. Waxa uu ka dhigi karaa toban daqiiqo oo gelinka hore ah, toban gelinka dambe ah iyo toban fiidka ah.

Dadka ay ku adagtahay in ay tagaan goobaha jimicsiga waxa ay khubaradu kula taliyeen in ay guriga ku dhex sameeyaan jimicsiyada ay ka mid yihiin xadhig ka boodka, kubadda kolayga, ama in ay ku ciyaaraan fiidyowyada jimicsiga ee shaadaha tv ga iyo kombiyuutarka laga eegan karo. Waxaa iyaduna muhiim ah qofku uu culays kor u qaadqaado, laakiin khubaradu waa ay ka digeen qaadista miisaanka culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here