Wasaarada Wershadaha Oo Dejinaysa Siyaasadda Wershadaha

0
524

Hargeysa(Geeska) Wasaaradda warshadaha ee Somaliland ayaa shalay Hargeysa ka furtay kulan lagu odorasayo siyaasadda guud ee lagu hagayo horumarinta iyo maalgashiga dhinaca warshadaha ee dalka. Madaxda wasaaradda warshadaha, masuuliyiin ka kala socday hay’addaha dawladda, xildhibaanno, masuuliyiin ka socday warshadaha dalka ka shaqeeya, khabiiro aqoon dheer u leh warshadaha iyo guud ahaan dhinacyada ku lugta leh arrimaha warshadaha ayaa kulankaasi ka qayb galay, waxaana laga soo saari doonaa istiraatijiyadda guud ee lagu hagayo nidaamka warshadaha ee dalka.

f

Agaasimaha guud ee wasaaradda warshadaha Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in Somaliland marka la isu eego waxa la soo dejiyo iyo waxa la dhoofiyo ay waxa la soo dejiyaa badan yihiin boqolkiiba todobaatan, halka ay ahayd in waxa la dhoofiyaa bato 80%. Waxa uu sheegay in wax soo saarka hooseeyaa keenayo dib u dhac ku yimaadda la macaamilka Somaliland ee dunida iyo raadinta citiraafka.

Isagoo ka hadlaya kulanka loo qabtay dhinacyada ay khusayso warshadayntu waxa uu yidhi “ waxaanu doonaynaa siyaasadda la samaynayaa inay noqoto mid u cuntanta oo wax ka tarta inaynu dhiiri galinno maalgashiga heer caalami iyo heer maxalli ee dhinaca warshadaha. Taasi waxay muhiim u tahay inaynu shaqo abuur u samaynno da’yarta ka soo baxaysa jaamacaddaha,” ayuu yidhi agaasimuhu , isagoo intaasi raaciyay in horumar kasta warshaduhu aasaas u yihiin, sidaasi darteedna qorsheyaal badan laga soo saari doono kulankan iyo kuwa dambe oo qabsoomi doona.

Wasiirka warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, oo kulanka furay ayaa sheegay inay wasaaraddu muddo qorshaynaysay kulammo lagu dejiyo siyaasadda guud ee lagu hagayo warshadaha dalka “waxaynu ognahay in dalkeenu yahay dal curdin ah oo soo koraya, aad iyo aadna uga hooseeya dhinaca warshadaha, markaa waxaanu ku talo galnay in sanadkan 2016-ka la helo siyaasaddii guud ee wasaaradda warshaduhu ku shaqayn lahayd,”  ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dad badani danaynayo maalgashiga Somaliland “Dalkeena yar oo caqabado badani jiraan, haddana fikraddaha mashruuc ee ka diwaangashan ee doonaya dalka inay maalgashadaan waxay noqonaysaa tiradoodu 236 mashruuc oo warshado ku saabsan. Mashaariicdaa warshadaha ee diwaangashan waxaa fulay 27 warshadood, waxaana dib u xidhmay 24 warshadood, inta hadda qorshahoodu socdaana waa 19 warshadood, inta baaqatay ama aan wali hawada taagan waa 156,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka warshaduhu wuxuu sheegay inay dalka ka jiraan caqabado kallifaya in warshaduhu ay sii shaqayn waayaan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin korontada qaaliga ah, daraasad la’aan, citiraaf la’aan iyo arrimo kale oo hor taagan maalgashiga dhinaca warshadaha ee Somaliland.