Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Geele Oo Ka Hadlay Kulanka Dhex Maray Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
970

Djibouti(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay socdaal shaqo oo rasmi ah ku tagay dalka Djibouti.

Madaxweyne Biixi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, ayaa waxa madaarka Djibouti ku soo dhaweeyay Raysalwasaaraha dalkaas Cabdiqaadir Kaamil, iyadoo loo sameeyay hab maamuus sareeya, waxaana madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweyne Geele, ayaa barta uu ku leeyahay warbaahinta bulshada ee twitterka iyo facebook waxa lagu baahiyay qoraal ku saabsan qodobadii ay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi waxaanu yidhi “Madaxwaynaha Jamuriyada Mudane Ismacil Cumar Geele ayaa qasriga madaxtoyada waxa uu ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland Mudane Moussa Bixi Abdi.

Kulanka labada dhinac ay yesheeen waxa lagu soo qaday arrimo badan oo dan uu ah labada dhinaca sida iskashiga uu dhexeya jamhuriyada jabuti iyo Somaliland gaar ahaan dhinacayada dhaqaalaha, warfafinta iyo ganacsiga.

Kulankan waxa laagu soo qaday sido kale hawlaha wax wada qabsiga jabuti iyo somaliland sida wadada cusub ee isku xidhaysa jabuti iyo somaliland oo hadda gaba gaba ku dhaw.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isna ka hadlay socdaalkiisa ayaa wuxuu yidhi “Waxa aan u mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo xukuumadiisa oo nagu soo dhaweeyay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aanu walaalaha nahay oo aanu ku joogno booqasho rasmi ah.

Waxa aanu ka wada hadalnay in la iska kaashado horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, isku socodka, labada shacab ee walaalaha ah iyo xoojinta nabadgelyada guud ahaan gobalka Geeska Afrika.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here