Dhacdooyinka Hadal-haynta Dhaliyey Ee Ku Lamaanaan Soo Dhaweyntii Weftiga Madaxweyne Biixi Ee Shalay

0
987

Hargeysa (Geeska) – Sabtidii Shalay ku beegnayd 26-ka bisha March 2022, waxa Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo illaa 12-kii bishan Safar shaqo ugu maqnaa dalka Maraykanka.

Weftiga Madaxweynaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa loo sameeyay soo dhaweyn ballaadhan, taasi oo ay ka qayb-galeen masuuliyiinta Xukuumadda oo uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka iyo Shacab aad u badan oo taxnaa Madaarka illaa qasriga Madaxtooyada.

Maxaa ku cusbaa soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Weftigiisa ?

Wargeyska Geeska Afrika wuxuu halkan idiinku soo gudbinayaa waxyaabihii ku cusbaa soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Weftigiisa, marka laga yimaaddo tirada Dadka soo dhaweeyay oo qaarkood ay imaanshahooda ka shaqeeyeen maamulka Caasimadda iyo ka Degmooyinka Hargeysa.

1.Soo dhaweynta Madaxweynaha waxa ku cusbaa in laba Maalmood ka hor Jidadka waaweyn ee Caasimadda Hargeysa lagu sii taagay boodhadh waaweyn oo ay ku sawiran yihiin Madaxweynaha iyo Xubno ka mid ah Madaxdii Goleyaasha Maraykanka ee uu la kulmay intii ay ku sugnaayeen Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Maraykanka.

Sawirrada Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta uu la kulmay ee boodhadhka laga sameeyay, ayaa waxa lagu ladhay Weedho ka mid ahaa khudbadihii uu Madaxweynuhu ka jeediyey Fagaareyaasha Maraykanka, sida xarunta Mac-hadka The Heritage International oo uu Madaxweynaha ku marti-qaaday Maraykanka iyo Kalmado kale oo ka tarjumaya Madax-banaanida Somaliland iyo dedaallada Ictiraaf-raadinta.

2.Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa kale oo ku cusbaa, in habeen ka hor imaanshiyihiisa suuqyada caasimadda Hargeysa ay buux dhaafiyeen Dadweyne lugaynaya iyo kuwo gaadiid wata oo lulaya calanka Somaliland, dadkaasi qaarkood oo habeenkii oo dhan aan seexan, halka qaarkoodna dabbaal-deggii ay habeen hore bilaabeen u sii wadeen illaa Madaxweynuhu uu ka galay Madaxtooyada.

Dadka reer Somaliland qaarkood oo ka hadlay dabbaal-degyada soo dhaweynta ee habeen hore sii bilaabmay, ayaa ku macneeyay in Xukuumaddu ay dhaqaale ku bixisay dabbaal-degyadaa aan kala joogsiga lahayn oo Dadka dhigayey aanay iskood isku dirin.

3.Waxyaabaha kale ee ku cusbaa soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland waxa ka mid ahaa in dadka soo dhaweeyay qaarkood ay ka yimaaddeen gobollada kale ee dalka, sida xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.

Tusaale ahaan, Gabadh Warbaahintu waydiisay dareenkeeda la xidhiidha soo dhaweynta Weftiga Madaxweynaha, ayaa sheegtay inay soo dhaweynta Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisa uga timid Magaalada Burco. Taasina waxay noqonaysaa markii koowaad ee Muwaadin sheego inuu soo dhaweynta Madaxweynaha uga soo safray meel ka baxsan Caasimadda.

4.Dhacdooyinka kale ee ku cusbaa ama noqonaya markii labaad ee la arko, waxa ka mid ah Ciidan ku lebisan dhar gaar ah oo Madaarka illaa Madaxtooyada garab Ordayey Gaadhiga Madaxweynaha, si ay amnigiisa isha ugu hayaan.

Kamaradaha ayaa qabtay, Ciidankan oo hubkoodu qarsoonaa oo garab guclaynaya gaadiidka Weftiga, gaar ahaan gaadhiga Madaxweynuhu saarnaa, illaa uu ka gaadhay Qasriga Madaxtooyada oo weftiga ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta laamaha Dawladda iyo Dadweyne kale, inkasta oo Ciidankaasi uu marmar fuulayey gaadiidkooda gaarka ah.

Ciidankan oo ka mid ah ilaalada gaarka ah Madaxweynaha, ayaa intii ay socotay soo dhaweyntu, waxay gaadiidka ka dagayeen isla-markaana Gaadhiga Madaxweynaha garab guclaynayeen, marka uu Madaxweynuhu dhex istaago gaadhiga uu saarnaa, si uu Dadweynaha u salaamo, isagoo gacmaha u haadinaya.

Dadweynaha isticmaala Baraha Bulshada, ayaa dareeno kala duwan ka bixiyey Ciidanka garab guclaynayey gaadhiga Madaxweynaha, waxaana Dadkaas qaarkood canaan ka dhigeen in ciidanku ay mastaafo intaa leeg gucleeyaan “Ilaaladu waa Naflay” ayuu qoray mid ka mid ah Dadka arrintan kaga hadlay Baraha Bulshadu, halka kuwo kale u arkayeen arrin muujinaysa ilbaxnimo iyo Masuuliyad gaar ah oo Ciidanku iska saareen amniga Madaxweynaha Qaranka “Waa Ilbaxnimo habkan amniga Madaxweynaha loo sugayaa” ayuu mid kale qoray.

 

Geeska.net/Hargeisa Office