“Soomaaliya, Hadday Ku Dhacdo Xidhiidhka Ha U Jarto Maraykanka..” Madaxweyne Biixi

0
716

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey, ayaa Shalay ka soo noqday Safar shaqo oo ay muddo ugu maqnaayeen dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad uu Dadweynuhu uga jeediyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo degay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Maraykanku ay amqaadayaan xidhiidh wada shaqayneed.

Madaxweynaha ayaa bulshada Somaliland ugu bushaareeyay in uu war wanaagsan u sido, isagoo sheegay in safarkiisu uu ahaa mid guul taariikhi ah u horseedi doona Somaliland, isla-markaana dhabar jab ku ah cadowga Somaliland.

“Waxaanu la soo noqonay warsan iyo weedhsan, inta Somaliland jecel iyo inta xaqa u hiilisa safarkani wuxuu ahaa mid guul ah oo taariikhda gali doona, cadowga Somaliland-na mid dhabarka ka jabiyay, oo ka nixiyay” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Waxaan idiinku bishaaraynayaa shalay haddii quwadaha caalamku indhaha inaga lalinayeen in dowladdii adduunka ugu waynayd in dhaheedu inagu soo jeedan oo ay ina day dayayso” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Maraykanku u ballan qaaday in ay Somaliland kala shaqayn doonto, dhinacyada siyaasadda, amniga, waxbarashada iyo  ganacsiga, isagoo rejo wayn ka muujiyay “Dowladdii Maraykanku waxay nagu tidhi waxaanu diyaar u nahay, in aanu wax walba oo laba dowladood qabsadaanba idinla qabsano, anaga oo karaamo iyo qadarin idiin hayna, haddii ay siyaasadda guud tahay, hadday nabad tahay, hadday amniga badda iyo berigaba tahay, hadday bayac-mushtar tahay, hadday tahay waxbarasho..” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa rejo wayn ka muujiyay in la fuliyo is fahamka ay la yeesheen Maraykanka “Dowladda Maraykanku waxay nagu tidhi diyaar ayaanu u nahay in inaga oo laba dowladood oo is qadarinaya ah qalin iyo warqad qaadano oo bilawno, Maanta’se waxaanu idiinku yeedhnay in aanu Albaabka idiin furno oo aynu is kaashano”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay caalamka oo dhan la xidhiidhayso, Soomaaliyana ay xidhiidhada u jari doonto “Inagu caalamka dowlad walba waynu u tagaynaa, iyaguna mid walba xidhiidhka ha u jaraan, maanta Maraykan  ha u jaraan hadday ku dhacayaan..”.ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office