Hargeysa: Magacyada 5 Nin Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Shalay Xukun Ku Ridday

0
632

Hargeysa (Geeska) – Maxkamada Gobolka Maroodijeex, ayaa xukun min hal sanno oo xadhig ah iyo qof kiiba 3 milyan oo shilin oo ganaax ah ku riday 5 nin oo 12 bishii hore ee March, lagu qabtay iyaga oo dhoofinaya 4 xabo oo harimacad ah.

Garsooraha maxkamadda ayaa warbaahinta u akhriyay magacyada dadka la xukumay, da’adooda, iyo qodobada sharci ee ay ku gafeen, iyadoo ay halkaa ku sugnaayeen saraakiil ka socda wasaaradda deegaanka, 2 harimacad ah oo ka nool 4 tii lagu qabtay iyo 5 ta nin ee xukunku ku dhacay.

“Maxkamaddu waxay danbi ku heshay danbiilayaasha kala ah, Maxamed Maxamuud Ismaaciil oo 36 jir ah, Bashiir Cabdillaahi Muuse oo 35 jir ah, Mukhtaar Haaruun Ibraahin oo 32 jir ah, Axmed Maxamuud Xasan oo 39 jir ah, Axmed Cumar Xaashi oo 35 jir ah, kuwaasi oo ku gafay, qodobbada 17, 27, 28 ee Xeer Lr 69, 2015” ayuu yidhi garsooruhu.

Garsooraha ayaa ku dhawaaqay xukun iskugi jira xadhig iyo ganaax “Maxkamaddu waxay ku xukuntay midkiiba hal sanno oo xadhig ciqaabeed ah, iyo ganaax maaliyadeed oo dhan 3 milyan oo Somaliland shilin ah, oo lagu shubayo qasnada dowladda, haddii danbiilayaashu ay bixin waayaana loogu badalayo xadhig ciqaabeed u dhigma.”.

Maxkamadda ayaa wasaarada deegaanka ku wareejiyay xanaanaynta laba harimacad oo ka sii nool 4 harimacad oo dhawaan lagu qabtay danbiilayaasha ay maxkamaddu xukuntay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office