Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah siraha ay aadamuhu furfuri kari waayeen ama dhacdooyinka soo maray adduunkan oo aynu ku magacaabi karno in ay yihin hal-xidhaalayaal maskaxda aadamaha dawakhiyey, waxa aanay yihiin:
Sanamyada Jasiiradda Easter:
Jasiiraddan oo ku taalla Koonfurta Badweynta Deggen (Pacific), 3700 oo kiiloomitirna dhinaca galbeed ka xigta dalka Chile oo ay imika dowlad ahaan ka tirsan tahay waxaa loogu magac daray ciidda ugu weyn ee ay Kiristaanku xusaan oo afka qalaad lagu yidhaahdo ciidda Easter. Jasiiraddan oo ku fadhida dhul cabbirkiisu dhan yahay 163 Kilomitir oo laba jibbaaran ayaa la aaminsan yahay in ay ka mid tahay jasiiradaha dunida oo dhan loogu fahamka iyo aqoonta yar yahay, ama aynu nidhaahno jasiiradaha fahamkoodu hal-xidhaalaha ku noqday aadamaha.
Bad-mareenkii Holland u dhashay ee Jacob Roganfein ayaa sannadkii 1722kii maalin ay ku beegnayd ciidda Easter waxa uu helay jasiiraddam. Jasiiraddan markaas uu sahamiyahani helay cidi ma’ay deggenayn, laakiin haddana waxaa Jacob mucjiso ku noqotay markii jasiiraddan aanay cidi deggenayn uu ku dhex arkay 800 oo ah sanamo dhagax la qoray ka samaysan oo aad u waaweyn. Sanamyadan qaarkood dhererkoodu waxa uu gaadhayey 9 Mitir, miisaankooduna waxa uu ka cuslaa 75 ton midkiiba.
Bilowgii Qarnigii 20aad ayaa ay mar kale jasiiraddan booqdeen dhowr kooxood oo ah cilmibaadhayaal reer Yurub ah, baadhis dheer kadibna waxa ay ogaadeen in Jasiiraddan ay deggenaan jireen qoom aan taariikh ahaan la garanayn, oo dhaqnaa muddo hadda laga jooga 4500 oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS). Cilmibaadhayaashani waxa ay sheegeen in sannadkii 1680kii ay masiibo dabiici ahi ka dhacday jasiiradda, taas oo dadkii deggenaa ku qasabtay in ay ka guuraan jasiiraddan yar. Intaas marka laga yimaaddo illaa hadda saynisyahannada iyo culimada aataarta ee dunidu war badan kama ay ogaanin sanammadan iyo xadaaraddaa weyn ee farshaxanka intan le’eg ka tagtay halka ay ku aroorto iyo halka raadkeedu ku qarsoomay. Waxa aanay ka mid tahay masalooyinka dunida maanta ka jira ee maskaxda aadamuhu weli furfuri kari la’dahay.