Dhaawac Gaadhay Xabad Joojintii Falastiin Iyo Israa’iil

0
4240

 

Qaza(Geeska)-Heshiiskii xabad joojineed ee u dhexeeyay Falastiin iyo Israa’iil, ayaa u muuqda inay Israa’iil Jimcihii shalay dhaawacday ka dib markii ay toogasho ku dishay  wiil Falastiini ah, islamarkaana ay dhaawacday sagaal ruux oo kale.

Wiilkan ayaa waxa toogtay askar ka tirsan Israa’iil, waana falkii u horeeyay ee dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii Arbacadii oo ay dawladda Masar ka shaqaysay. Sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inaanu xaqiijin Karin toogashada wiilkan, isagoo sheegay inay askartoodu kala didisay koox dhallinyaro ah oo uu ku sheegay rabshad wadayaal, kuwaas oo ku sugnaa xuduudka Qasa. Laakiin wiilka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdilhadi Anwar oo 21 jir ah.

Afhayeen u hadlay ururka Xamaas ayaa sheegay inay jebinta heshiiskii xabad joojinta ee ay Israa’iil samaysay uga dacwoon doonaan dawladda Masar, waxaanu sheegay in wiilka Falastiin lagu dhuftay xabad madaxa kaga dhacday, “Waxaanu la xidhiidhi doonaa dawladda Masar oo ahayd dhexdhexaadiye si aanu arrintan ugu bandhigno.” Ayuu yidhi Sami abu Suhri.

Duqayntii ay Israa’iil u gaysatay Qasa inkastoo ay ku dhinteen in ka badan boqol ruux oo reer Falastiin ahi, haddana waxa ay kooxda Xamaas heshay guul miisaan leh, ka dib markii taageero ka heshay dawladaha Carabta islamarkaana ay gantaalaheeda gaadhsiisay gudaha magaalooyinka Israa’iil oo suuqyada lagu kala yaacay. Raysalwasaaraha Israa’iil oo ay doorashoyin ku soo fool leeyihiin ayaa sahan laga qaaday bulshadiisa, waxa ka soo baxday inuu hoos dhac ku yimid tan iyo dagaalkii Qasa ee toddobaarkii hore.