Denmark Oo Ka Hadashay Inay Soomaliya Gudaheeda Ku Tababarto Ciidankooda

0
494

 

London (Geeska) Ciidanka wadanka Denmark ayaa muddo sannad ah tababari doona ciidamada amaanka Soomaaliya, sida warbixin ANP lagu sheegay.
Wasaaradda Gaashaandhiga Denmark ayaa shalay cadeeyey in ciidamadoodu ka qeybqaadan doonaan hawlgalka tababrida midowga Yurub. Kooxdii ugu horeysayna tageen. Casharada tababarkaa ayey sheegeen inaan soomaaliya lagu bixin doonin, laakiin, lagu siinayo deegaan ku yaal Yugaandha, sababaha amaandarada Soomaaliya awgeed.

Tababaradan oo muddo sannad socon doona, ka dib ayaan eegi doonaa hadii taageero kale u baahan yihiin. Hadii ay noqoto in tababaradan loo wareejiyo Soomaaliya, xaalkeeda dib ayaan u eegi doonaa mar labaad.