Spot-in General Trading Oo Lacag Guddoonsiisay Nin Dahab Ka Dhex Helay Caanaha Anchor

0
815

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Spot-in General Trading, ayaa Mr. Cabdisalaan Abokor Aadan shalay gudoonsiisay $ 4500 (Afar kun iyo shan boqol oo dollar), ka dib markii uu caanaha Anchor oo uu macmiil u ahaa ka dhex helay dahab dhan 100gr.

Mr. Cabdisalaan oo degen magaalada Beledweyne ee dalka Somaliya, waxa uu yimid magaalada Hargeysa, si ay shirkadu xarunteeda Hargeysa ugu guddoonsiiso hadiyada uu caanaha uu iibsaday ka dhex helay. Mar uu ka hadlayay dareenkiisa, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay hadiyada uu ku guulaystay, waxaanu u mahadceliyay shirkadda Spot-in General Trading (Anchor Milk), oo uu sheegay inay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen magaalada Hargeysa.

Maaha markii u horaysay ee ay shirkadda Spot-in General trading hadiyad guddoonsiiso macmiil dahab ka dhex helay caanaha caanka ah ee Anchor, waxase jira dad kala duwan oo ku guulaystay hadiyadahan.