Daawo/Sawiro Marxuum Saqadhi Dubad Oo Maanta Lagu Aasay Al-Cayn

1
1332

24Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariste waxa shalay xabaalaha Al-Cayn ee magaalada Al-Cayn ee dalka Imaaraadka Carabta lagu aasay taliyihii hore ee ciidamada Booliska Somaliland Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad, oo habeenimadii khamiistii dalkaas ku geeriyooday. Waxaana maydkiisa lagu shaqlay calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Aaskar marxuumka waxa ka qayb galay dad badan oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee imaaraadka Carabta, ehelada marxuumka iyo dadweyne kale oo tiro badan oo salaadii jimce ee shalay ka dib ka qayb qaatay aaska marxuumka. Waxaanay dadkaasi Alle uga baryeen inuu marxuumka janadii ka waraabiyo, umadda Somaliland iyo ehelada uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Waxa iyaguna aaska ka qayb galay xubno ganacsato ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Cismaan iyo Geele iyo Maxamed Aw Siciid Geedi.

General Xasan Faarax, oo ka mid ahaa dadka ay tan iyo carruurnimadii aqoonta fiican isu lahaayeen Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa isna ka sheekeeyay taariikhdii Marxuumka oo faahfaahiyay.

Cismaan Cilmi Xasan, oo isna ku hadlayay magaca jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka Carabta, ayaa jaaliyadda uga mahadceliyay sida ay uga qayb galeen aaska taliyihii ciidamada Booliska Somaliland.

Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad, oo muddooyinkan dambe xanuun u jiifay dalalka Itoobiya, Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, ayaa waxa geeridiisa laga dareemay guud ahaan Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray, wuxuu marxuum Maxamed Saqadhi Dubad ku tilmaamay halyey qaran oo ku baneeyay kaalin adag.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda reer Somaliland iyo ciidamada Booliska, waxaanu sheegay in la tabi doono Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad oo uu xusay inuu ahaa masuul xil kas ah.

Madaxweyne xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa isna tacsi uu umadda Somaliland iyo ehelada marxuumka u diray ka dib, wuxuu qiray in mudadii uu xilka Booliska hayay dhisay ciidamada Booliska, isagoo sheegay inuu ahaa shakhsi taariikh wanaagsan ku lahaa Somaliland tan iyo dhawr iyo kontankii oo uu shaqada si rasmi ah u bilaabay, waxaanu Xasan Ciise sheegay in si weyn loo wada ogyahay wax qabadkii uu ka sameeyay ciidamada Booliska labadii wakhti ee uu xilka hayay.

Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa isna tacsi ka dib wuxuu Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad ku tilmaamay halyey ka baxay Somaliland oo si weyn looga tabi doono ciidamada Booliska Somaliland. “Wuxuu ahaa shakhsi marka maamul wanaagisa laga tago ahaa nin aan hal shilin oo musuq ah gelin, waxa aynu wada qiraynaa inuu kaalin muhiim ah inagu baneeyay.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Guddoomiyaha hay’adda NDC ee xukuumadda Somaliland Md. Jamaal Caydiid Ibrahim, oo ka mid ah dadka aqoonta fiican u lahaa shakhsiyadda Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa wuxuu tacsi uu umadda iyo qoyska marxuumka u diray ka dib, sheegay inuu Maxamed Saqadhi Dubad wax badan oo muuqda ka qabtay ciidamada Booliska mudadii uu xilka hayay, isagoo sheegay in guud ahaan umadda iyo ciidamada ammaankuba ay tabi doonaan kaalinta uu baneeyay, waxaanu sheegay inuu tan iyo markii uu shaqada bilaabay caan ku ahaa shaqo wanaag iyo daacadnimo, “Allena waxaan ka baryayaa” ayuu yidhi Jamaal Caydiid, “Inuu isagana naxariistii janno ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan inaga siiyo.”

 

 2 

2222

8

16

17

30

11

25

16

7

Comments are closed.