Deg Deg: 22 Weriye Oo Hargeysa lagu xidhay

5
665

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigtay 22 saxafi oo ka hawlgala hay’adaha warbaahineed ee madaxabanaan ee dalka.

Saxafiyiintan ayay ciidamada ammaanku ka qabqabteen madaxtooyada horteeda iyagoo ku guddo jira dibad bax salmi ah oo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin xadhiga HCTV iyo weriyayaasha kale ee ku  xidhan magaalada Borama. Weriyaayaashan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxa ay ku xidhanyihiin xarunta saldhiga dhexe ee Hargeysa.

 

Weriyayaasha xidhan waxa ka mid ah weriye Maxamed Taajir oo ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, Najax Aadan Cunaaye oo ka socda hadhwanaag, Maxamuud Xuuto oo ka socda Waaheen, Maxamed-Cirro oo ka socda Jamhuriya, Maxamed Xarago oo ka socda Berbera News, Xamse Cali Bulbul oo ah HCTV, Nimco Samriye oo ah HCTV, Hodan Cajabi oo ah HCTV iyo weriyayaal kale oo aad u tiro badan.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata inay cabudhinayso saxaafadda xorta ah ee Somaliland.

Comments are closed.