Dawo Cusub Oo Dili Karta Boqolkiiba 99 Cudursidaha Hiv Iyo Rajada Ay Abuurtay

3
9937

Dawo cusub oo lagula dagaalamayo cudursidaha dilaaga ah ee HIV ayaa u gudubtay tijaabadii koowaad ee aadamaha. Dawadan cusub waxaa loo bixiyey ‘Gammora’ waxaana hal-abuuray xarunta caafimaadka ee Zion oo ah shirkad ka shaqaysa tiknoolajiyadda noolaha oo xarunteedu tahay Israa’iil.

Dawada Gammora oo ay heleen cilmibaadhayaal Israa’iiliyiin ah ayaa la la sheegay in ay awoodi doonto in ay tirtirto boqolkiiba 99 unugyada uu sadheeyey cudursidaha HIV ee aadamaha ku dhaca.

Sida lagu sheegay warmurtiyeed ay soo saartay shirkadda dawadan heshay, ‘Gammora’ waxa ay awooddaa in ay afarta toddobaad ee ugu horreeya marka uu bukaanku cuno ay tirtirayso boqolkiiba 90 cudursidaha HIV.

Xarunta caafimaadka ee Zion waxaa soo saarista dawadan ka caawiyey Jaamacadda Yuhuudda ee magaalada Qudus iyo xarunta tiknoolajiyadda noolaha ee Sirion oo ku taalla dalka Jarmalka.

Dawadan ayaa loo diyaariyey qaab ay weerar ku qaadayso dhaqsanaha u dilayso unugyada jidhka ee uu sadheeyey HIV, iyada oo aan wax dhaawac ah u geysanayn unugyada caafiamad qaba.

Intii ay cilmibaadhayaashu wadeen daraasaddan waxa ay saambalka dad ee tijaabada ay ku sameeyeen u qaateen sagaal qof oo ahaa bukaan lagu daweynayey cisbitaalka Ronald Bata Memorial Hospital oo ku yaalla dalka Uganda. Waxa aana dadkaas bukaanka ah u wadeen cunista dawadan muddo shan toddobaad ahayd oo u dhexeysay bilihii toddobaad iyo siddeedaad ee sannadkan.

Inkasta oo ay dawadan cusub ee HIV laga dagaalamaysaa weli ku jirto tijaabooyinkeedii ugu horreeyey, ee lagu go’aaminayey waxtarkeeda iyo khataraheedaba, haddana bidhaanta bilowgii tijaabadeedaba soo baxday ayaa abuurtay rajo ah in daweynta cudursidahan muddada dheer loo maaro la’aa ay imika suurtagal noqonayso.

“Dadka bukaanka ah ee la siiyey dawadan, badankooda waxaa laga arkay in uu si muuqata hoos ugu dhacay culayskii iyo firfircoonidii cudursidahan”. Ayaa uu yidhi Dr. Esmira Naftalim oo madax ka ah qaybta horumarinta ee xarunta Zion Medical.

Dr. Esmira waxa uu itnaas ku sii daray in dhimistan boqolkiiba 90 ka ah ee ay dawadani ku samaysay Fayraskani ay  qaadatay afartii toddobaad ee ugu horreeyey, “Afartii toddobaad ee ugu horreeyey ayaa la arkay isbeddelkan” ayaa uu sheegay dhakhtarku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here