Dawladda UK Oo Ka Hadashay Khilaafka Doorashada Ee Somaliland Ka Taagan

0
582

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Ingiriiska, ayaa ka hadashay dibed-baxyada ay Maanta taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ka sameeyeen Gobollada dalka.

Wakiilka Dawladda Ingiriiska u joogta Somaliland Lizzia Walker, ayaa sheegtay in Qof kasta oo Muwaadin ah iyo Ururraduba ay xaq u leeyihiin Inay isku yimaaddaan oo ay dareenkooda muujiyaan, balse mar walba loo baahan yahay in sharciga la raaco isla-markaana Nabadgalyada la ilaaliyo.

Lizzia Walker oo Qoraal ku baahisay boggeeda Twitter-ka, ayaa tidhi “<span;>Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay oo uu xor u yahay isku imaatin nabadeed. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay u dhaqmaan si nabdoon oo ay raacaan sharciga..”

Wakiilka UK u joogta Somaliland, waxay hoggaamiyeyaasha Somaliland ugu baaqday Inay iskugu yimaaddaan Wada-hadal, xalna ka gaadhaan khilaafka doorashada “<span;>Waxa aanu mar kale carrabka ku adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in Madaxda Somaliland ay ka qayb galaan wada-hadal wax ku ool ah, si ay is-afgarad uga gaadhaan qorshe-hawleed doorasho si loo ilaaliyo nabadda, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland..”ayay tidhi Wakiilka Dawladda Ingiriiska u joogta Somaliland Lizzia Walker.

Lizzia Walker, ayaa noqonaysa Masuulkii koowaad ee matalaya Dawladaha galbeedka ee taageera Somaliland ee ka hadla khilaafka la xidhiidha doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda ee xilligan ka taagan Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office