Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dibed-baxyo Maanta Ka Dhacay Somaliland

0
564

Hargeysa (Geeska) – Khamiista Maanta oo ku beegan 11-ka bisha August 2022, waxa Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ka dhacay Mudaharaaddo ay dhigeen Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

Mudaharaaddadan oo ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Berbera, ayay Xisbiyada Mucaaradka ahi ku dalbanayaan in doorashada Madaxtooyada lagu qabto 13-ka bisha November ee sannadkan 2022, isla-markaana ay Xukuumaddu meesha ka saarto Qorshaheeda ah in doorashada Furista Ururrada siyaasaddu noqoto doorashada u horraysa ee Somaliland ka dhacda sannadkan aakhirkiisa.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka oo ay hoggaaminayeen Madaxda Xisbiyadaasi  waxay Mudaharaadkooda ka dhigeen bariga iyo neelo ka mid ah Koonfurta Magaalada, waxayna iyaga oo sita Siidhiga Astaanta u ah Dibed-baxa iyo boodhadh ay ku qoran yihiin Hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Doorashada Madaxtooyadu ha qabsoono 13-ka November iyo Dib u dhac MAYA..”, waxay socod ku mareen Waddooyinka waaweyn, laakiin Ciidammada Booliska oo Ilaa Xalay heegan ahaa ayaa ka hor tagay, si aanay uga gudbin Goobaha loo asteeyay, waxayna kor rridden Rasaas nool iyo ta Rabadhka ah, si aanay uga soo gudbin goobaha loo asteeyay in Mudaharaadku ku xaddidnaado.

Magaalada Burco ee Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer, ayaa waxa ka dhacay Mudaharaadka ugu weyn, waxaana boqollaal Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo sitay Boodhadh iyo siidhi ay afaafayeen, ay socod ku mareen meelo badan oo ka mid ah Faras-magaalaha, waxayna isku dhaceen Ciidammada amaanka, taasina waxay keentay in Dibed-baxayaashu ay Rabshad sameeyaan isla-markaana Taayirro ku gubaan Dusha sare ee Biriijka kala qaybiya Magaalada iyo Isgoyska ugu caansan Burco ee loo yaqaano Seerooga.

Sidoo kale, Mudaharaaddo kuwaa hore la mid ah ayaa ka dhacay Magaalooyinka Ceerigaabo, Berbera iyo Laascaanood, waxayna Dibed-baxayaashu socod ku mareen Waddooyinka Magaalooyinkaasi.

Taageerayaasha dibed-baxa sameeyay, ayaa waxa Magaalooyinkooda kula hadlay Madaxda Xisbiyada UCID iyo WADDANI, waxayna Fagaareyaasha uga sheegeen in aanay marnaba aqbalayn in doorashada Madaxtooyadu xilligeeda ka dib ka dhacdo.

Ugu dambayn, Taliska Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa sheegay in khasaare ka dhashay Mudaharaadka ay saaka sameeyaan Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah.

Talisku wuxuu sheegay in illaa 3  Qof ku Geeriyoodeen Mudaharaaddada ka dhacay Magalooyinka Somaliland qaarkood.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Cali Koore oo ka hadlay Mudaharaadka, ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay ka xun yihiin Khasaaraha soo gaadhay dadka Shacabka ah, balse wuxuu Masuuliyadda arrintan ku eedeeyay Madaxda Xisbiyada WADDANI iyo UCID.

Dadka dhaawacmay oo tiradooda lagu sheegay illaa 14 Qof, waxaana dadkaa ku jira Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo sida Warbaahinta Ciidanku soo bandhigtay qaarkood uu Madaxa kaga dhacay Dhagax.

Sidoo kale, waxa jira khasaare soo gaadhay dhismeyaal ay lahaayeen Shirkadaha Isgaadhsiinta, kuwaasi oo Dibed-baxayaashu dhagax la dhaceen, ka dib markii ay ka cadhoodeen inay si ku meel-gaadh ah u jareen Khadka Internet-ka.

Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa saaka si Ku meel-gaadh ah u hakiyey khadka Internet-ka, taasi oo keentay In dadka gudaha Somaliland joogaa ogaan waayaan waxa socda, sida Mudaharaaddadii saaka ka dhacay Magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Waa markii labaad, ee khilaafka ka taagan doorashada Somaliland uu horseedo Mudaharaaddo rabshado wata.

Geeska.net/Hargeisa Office