Dawladda Talyaaniga Oo Wadda Qorshe Ay Islaamka Ugu Aqoonsanayso In Uu Ka Mid Yahay Diimaha Rasmiga Ah, Laakiin Shuruud Hor Dhigtay

0
648

Roma (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Marco Minniti ayaa Arbacadii ina dhaaftay heshiis diinta Islaamka u furaya jid ay xidhiidh fiican kula yeelato dalka iyo dadka Talyaaniga, la saxeexday sagaal mu’asasadood oo Islaamiya iyo masuuliyiinta labada masaajid ee ugu waaweyn magaalooyinka Roma iyo Armo.

1

Heshiiskan oo jidka u xaadhaya in dawladda Talyaanigu diinta Islaamka u aqoonsato diin rasmi ka ah dalka, ayaa uu wasiir Minniti si aad ah u ammaanay, isaga oo ku mesaalay in uu yahay maalgashi muhiim ah oo mustaqbalka dalka la geliyey, lagana abuuray jawi wada noolaanshiyo. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera ayaa uu wasiirku sidoo kale ku sheegay in haayadaha Islaamiga ah ee xukuumaddu heshiiskan la gashay ay metelayaan boqolkiiba 70 muslimiinta dalka Talyaaniga ku nool oo tiradooda lagu qiyaaso 1.7 Milyan oo ruux.

Dhinaca kalana Cisuddiin As-siir oo ah guddoomiyaha dalladda midaysay haayadaha Islaamiga ah ee Talyaaniga, ayaa sheegay in heshiiskani uu ka kooban yahay Labatan qodob oo Toban ka mid ah laga rabo in ay fuliyaan Muslimiintu, halka xukuumadda laga rabo in ay fuliso Tobanka kale.

Qodobbada heshiiskan ugu muhiimsan waxaa  ka mid ah, In khudbadaha Jimcaha lagu jeediyo Afka Talyaaniga ama haddii luuqad kale lagu jeediyo ay qasab tahay in loo turjumo Talyaani, in masaajidda dalka albaabadooda loo furo dadka booqanaya / daawanaya ee aan muslimiinta ahayn, in muslimiintu taageeraan dadaallada xukuumaddu kula dagaallamayso Xag-jirka, In xukuumaddo maamullada goballada iyo degmooyinka ka dalbato in dhul danguud ah gaar looga dhigo dhismaha masaajidda, iyo in muslimiintu ay caddayso cidda bixinaysa dhaqaalaha masaajidka lagu dhisayo, haddii ay tahay cid ka baxsan dalka.

Heshiiskan oo yimid kadib sannado badan oo ay hoggaamiyeyaasha mulimiinta iyo xukuumaddu wada hadallo adag oo la xidhiidha is dhexgalka muslimiinta iyo dadka Talyaaniga oo boqolkiiba 83.3 yihiin Kiristaan, halka boqolkiiba 12.4 ay yihiindad bilaa diin ah, boqolkiiba 3.7 keliyina ay yihiin Muslimiin.