Dawladda Taiwan Oo Ka Hadashay 61 Guurada Madax-banaanida Somaliland

0
587

Taiwan (Geeska) – Dawladda Taiwan, ayaa ka hadashay 61 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, taasi oo ku beegnayd 26-kii bishan June.

Madaxweynaha Taiwan Dr. Tsai Ing-wen oo Somaliland u soo dirtay Hambalyo xuskaa ku aaddan oo ay ku hagaajisay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxay sheegtay in iyadoo ku hadlaysa Magaca Shacabka Taiwan ay Somaliland ku hambalyeynayso Maalinta xorriyadda.

Dr Tsai Ing-wen ayaa qoraalkeeda ku tidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), waxa farxad ii ah in aan mudane (Madaxweyne) kuu soo gudbiyo hambalyo kal iyo laab ah oo ku aaddan munaasibadda qiimaha badan ee sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.”

Madaxweynaha Taiwan waxa kale oo ay sheegtay “Anigoo Fursaddan ka faa’idaysanaya mar kale aan idinku Hambalyeeyo guushii doorashadii baarlamaanka iyo deegaanka ee la qabtay 31-kii May. Doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi waxay caddeyn u yihiin sida ay Somaliland uga go’an tahay dimuqraadiyadda. Taiwan waxay garab taagantahay Somaliland waxayna dooneysaa inay sii xoojiso xidhiidhkeena saaxiibtinimo.”

Taiwan iyo Somaliland ayaa leh xidhiidh qoto-dheer oo diblumaasiyadeed, waxayna labada Caasimadood ee Hargeysa iyo Tipea ku kala leeyihiin Xafiis Wakiileedyo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office