Shirkadaha SAOG Ee Cumaan Iyo MSG Ee Somaliland Oo Ku Heshiiyay Inay Wershad Sibidh Ka Sameeyaan Berbera

0
906

Hargeysa(Geeska)-Labada shirkadood ee SAOG oo laga leeyahay dalka Cumaan iyo shirkadda MSG ee uu leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, ayaa ku heshiiyay inay wershad sibidh ka hirgeliyaan magaalada Berbera ee Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal warbaahinta loogu tallo galay labadan shirkadood ee Raysuut Cement Company SAOG iyo shirkadda Maxamed Siciid Geedi MSG, waxay ku heshiiyeen saami ah 55% oo ay yeelan doonta shirkadda laga leeyahay dalka Cuman ee SOAG halka ay shirkadda MSG ee uu leeyahay ganacsadaha reer Somaliland yeelan doonto 45%. Heshiiska ayaa la saxeexay 2 Jullaay 2019, waxaanay shirkadahani sannadkii soo saari doonaan hal milyan oo ton oo sibidh ah, iyadoo ay wershadan sibidhka ee ay labada shirkadood ku midoobeen ay ku kici doonto 40 milyan oo dollar.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay heshiiska labadan shirkadood dhex maray ee ku saabsan wershad sibidh oo laga samaynayo Berbera, iyadoo ay xukuumadii hore ee Siilaanyo wershada sibidhka Berbera ku wareejisay saddex shirkadood oo mid ka mid ah laga leeyahay dalka Kuwait, halka saddexda kalena ay yihiin reer Somaliland, iyadoo dawladuna leedahay 10%.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here