Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Kulmay Xisbiyada Qaranka

0
501

Picture7Hargeysa(Geeska):-Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa markii u horaysay saddexda xisbi qaran kulan kula yeeshay xarunta gudida doorashooyinka qaranka ee magaalada Hargeysa,waxaana kulankan ay u jeedadiisu ahayd mid isbarasho ah isla mar ahaantaana diirada lagu saaray sidii loo dhaqaajin lahaa hawlaha doorashooyinka ee fooda inagu soo haya.

Kulankan oo ay saxaafaddu dibadda ka joogtay ka ahyad markii uu dhamaaday ayaa waxaa waxaa warbaahinta ugu horeyn la hadley xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, waxaana uu faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen.“Komishanka ayaa noo yeedhay, waxaa joogay saddexda Xisbi Qaran,xubno ka socda komishankana 7-diiba way dhamaayeen. Aayado Qur’aana ayaanu ku furanay, waa la isbartay oo magacyada ayaa la isku akhriyay, dabadeedna guddoomiyaha Komishanka ayaa xogaa yar oo warbixin ah naga siiyay wixii ay qabteen tan iyo markii Baarlamaanku ansixiyay. way nala wadaageen walaaca iyo wararka ah in wakhtigu yar yahay,waxaanuna siinay Kalsooni” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale .

Jaamac Shabeel oo ka socday xisbiga Kulmiye ayaa isna halkaasi ka hadlay “Shirka aanu Komishanka la galay wuxuu ahaa isbarasho.waxay ahayd in xubnihii xisbiyada ee la shaqaynayay komishanka iyo komishanku ay isbartaan. wuxuu ahaa fadhigii u horeeyay ee ay yeesheen, waana la is magac bartay,telefoonada waa la kala qortay sidii loo wada shaqayn lahaana waa la isla gartay, waana laga balamay hawlaha dambe iyo sidii loo dhaqaajin lahaa”Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Musharax xigeenka Xisbiga Ucid Md:Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu yidhi.“Wuxuu ahaa kulankii u horeeyay ee isbarashada ahaa, si fiican baanu isku qaabilay, waxaanu isku sheegnay in la isa siiyo kalsoonida labada dhinacba horena waa la isku siiyay ee in la sii xoojiyo, waxay ka warbixiyeen safarkoodii, waxay ka warbixiyeen halkay hawli u marayso,, waanuna ku qanacnay warbixinta ay na siiyeen”.