Akadimiga Nabada Oo Hargeysa Ka Furay Tababar Ku Saabsan Iskaashiga Dhexeeya Golayaasha Deegaanka Iyo Bulshada

0
551

Picture3Hargeysa (Geeska)-Akadimaga Nabada iyo Horumarka ee Somaliland ayaa Tababar soconaya muddo laba cisho ah, oo Shalay si toos ah u furmay Maanta xidhmaya, u qabtay Golaha Deegaanka Caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Tabbaarkan oo ujeedadiisu tahay sidii ay isku kaashan lahaayeen xidhiidhna u wada yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Bulshada, isla markaana loo ogaan lahaa waajibka saaran Xildhinaada Golaha Deegaanka ee Caasimadda iyo qaabka ay ula shaqeeynayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Shalay si toos ah uga furmay Hoolka Shirarka ee Golaha Deegaanka ee Caasimaadda.

Tababarahan ayaa waxa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda, Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, Guddiyada Degmooyinka Caasimadda, Ganacstada Suuqyada, Shaqaalaha Dawladda hoose iyo dadweyne aad u tiro badan, waxaana ugu horeyn Tababarkaas ka hadlay Maxamed Cabdi Cumar Xaafid, oo ah Masuul sare iyo Cilmi baadhe ka tirsan Akadamiga Nabada, waxaanu faahfaahiyey ujeedooyinka  Tababarkan  iyo faa’iidada uu u yeelan doono xidhiidhka Bulshada iyo Golayaasha Deegaanka ee la soo doortay, waxaanu xusay in kulankan ama Tababarkani uu joogto noqon doono, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Waxaa Maanta (Shalay) aanu ku qabanay Hoolka Shirarka ee Dawladda hoose Hargeysa, waxaanu ku daahfuraynaa isla markaana aanu ku qabanaynaa Tababar aanu ku daahfurayno Kulanka dawladda hoose iyo Bulsho weynta kala duwan ee  Degmada Hargeisa. kulana  joogto ayuu  noqon doona Bulshada iyo Golaha Deegaanka, waxaana ka rajaynaynaa inay si toos ah u wada shaqayeen oo xidhiidh toos ah yeeshaan,  Tababarkana waxa uu qayb  ka yahay wacyigelin guud oo bulshada lagaga wacyigelinayno ama lagu baraarujinayo nuxurka ay xaambaarsan tahay Siyaasadda Maamul daadejinta ee dhowaan dhaqangelinteeda la ansixiyey.Tababarkana waxa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Akadeemiga Nabadda iyo Horumarka waxaana maalgelisay Mashruuca JPLG”.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa oo ay ka mid yihiin XIldhibaan Cabdirisaaq Faarax Qawdhan, oo ah isku xidhaha Hay’addaha iyo Golaha Deegaanka, Xildhibaan Cabdilaahi Siciid oo ka mid ah Guddida Nabadgeliyada Golaha Degaanka iyo Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw, oo iyana halkaas ka hadlaly ayaa soo dhaweeyey Tababarkan, waxayna aad uga warameen qaabka ay u wada hawlgalaan iyo sida ay waxa ugu qabtaan Bulshada, waxayna sheegeen in aanay kala maarmi karin Bulshada iyo Golaha Deegaanka ee Caasimaddu.

Dhinaca kale Guddidayadii kala duwanaa ee Tababarkaas ka soo qeyb galay oo ay ka mid ahaayeen Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, Haween, Ganacasto iyo Masuuliyiinta Suuqyada waaweyn ee Caasimadda oo halkaas ka hadlay ayaa iyana waxa ay ka warameen sida ay ula shaqeeyaan Golaha Deegaanka ee Hargeysa, qaabka ugu fudud ee ay u xidhiidhi karaan, iyo sida ugu wanaagsan ee ay wax u wada qabsan karaan.