Dawladda Somaliya Oo Dawladda Somaliland Ku Cambaaraysay Xadhiga Kooxda Fanaaniinta Ah Ee Xabsiga Ku Jira

0
609

Picture5Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa dawladda Somaliland ku cambaaraysay xadhiga kooxda fanaaniinta ah ee ah ee ay dawladda Somaliland dhawaan xabsiga u taxaabtay.

Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Somaliya Cabdiraxmaan Caynte, ayaa qoraalo dhawr ah oo uu geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku sheegay inay ceeb tahay in la xidho fanaaniin ka soo heestay Muqdisho, isagoo geesta kalena duray Ethiopia iyo Djibouti islamarkaana isweydiiyay sababta loo xidhi waayay markii ay ka soo heeseen dalalka Djibouti iyo Ethiopia. “Xadhiga fanaaniinta xidigaha Geeska markii ay Muqdisho ka soo heeseen, waa ceeb. Sii daaya xidigaha Geeska.” ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay, “Fanaaniintu sida xidigaha Geeska oo kale waxay kor u qaadaan dib u heshiisiinta bulshada iyo nabada. aamusiintooduna waa dambi.”

Isagoo ka hadlaya sababta loo xidhi waayo marka ay ka soo heesaan Ethiopia iyo Djibouti, wuxuu yidhi, “Xidigaha Geeska lama xidhinn markii ay ka soo heeseen Jigjiga iyo Djibouti. Taas oo kale kama samayn karaan Muqdisho.”

wuxuu wasiirka dawladda Somaliya ugu dambayn intaas raaciyay oo uu qoraalkiisa ku yidhi “Goormuu fanku dambi noqday? Xadhigga #Somaliland ee Xiddigaha Geeska Afrika waa gardarro guri og. Fanku maaha dambi.”

Geesta kale maxkamadda Hargeysa ayaa shalay 7 maalmood oo rumaan ah u dirtay kooxdan fanaaniinta ah oo ka kooban saddex wiil iyo gabadh dhawaan tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.