Musharaxnimada Muuse Biixi Iyo Maxamed Biixi: Waxa Ay Madaxweyne Siilaanyo Ku Qasbi Doonta Laba Daran Mid Dooro

0
641

Picture6Hargeysa(Geeska)-Loolanka musharaxnimo ee u dhexeeya Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi ee ku saabsan musharaxnimada xisbiga KULMIYE, ayaa u muuqda in uu Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisaba dhaxalsiinayo dhaawac siyaasadeed oo riiqdiisu daba dheeraato.

Musharaxnimada labadan siyaasi oo leh miisaan culus, waxa ay Madaxweyne Siilaanyo marka u dambaysa ku qasbi doontaa inuu doorto laba nabar oo kala ah inuu midkood taageero iyo inuu dusha ka daawado oo uu dhex u nqodo sida uu sheegay.

Waa marka koowaad’e haddii uu Madaxweyne Siilaanyo sida uu balan qaaday uu tartanka labada ilma Biixi dhex ka noqdo dushana ka daawado loolanka baarqabyadan waxa halis geli doona isku duubnida golihiisa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo sida muuqata ku kala qaybsan taageerista Maxamed iyo Muuse. waxa ay u dhowdahay in xubnaha golaha wasiirradu ay kala raacaan oo taasi ay ragaadiso hawsha qaranka xukuumaddana ka dhigto kooxo, Haddii markaas ay taasi dhacdo oo Madaxweynuhu daacad ka noqdo dhexdhexaanimadaas uu ballan qaaday waa tallo dhaawac weyn u gaysan doonta isku duubnimada xukuumadiisa iyo dawlad wanaaga, waxaana la arki doonaa xukuumadii oo kala socota iyo xisbigii oo tafaraaruq hadheeyay. Sida keliya ee uu markaas Madaxweyne Siilaanyo nabarkaas ku dhayi karaana waa inuu sameeyo isku shaandhayn balaadhan oo meesha ka saari doonta inta badan ee golaha xukuumadiisa, isla markaana xisbiga qudhiisa lagu sameeyo kala huf iyo dadaal lagu buuxiyo kaalmaha bannaanaan doonaan marka dadka ku jiraa ay ka hulleelaan.

Waa nabarka labaad’e haddii uu Madaxweyne Siilaanyo ciyaaro khamaar siyaasadeed oo uu labadan oday midkood taageero marka uu loolanku bilaabmo, iyaduna waxay noqon doontaa talo aanu mahadin oo dhayisteedu ku daba dheeraan doonto. Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi oo uu Madaxweyne Siilaanyo uu midkood taageeraa waxa ay aakhirka keeni doontaa in labadan nin midkood uu ka baxo garabkiisa isaga oo aan kelidii ahayn oo taageeerayaal iyo masuuliyiin badani weheliyaan islamarkaana laga yaabo inuu ka shaqeeyo sidii uu u fashilmi lahaa xisbiga KULMIYE.

Haddii uu xataa Madaxweyne Siilaanyo go’aansado inuu midkood taageero waxa iyana adkaan doonta inuu wasiiradiisa qaar ka mid ah xukuumaddiisa ku qanciyo inay la qaataan go’aanka uu qaatay ee uu ku taageerayo, iyagoo kala horiman kara doodda ah in mar haddii aanu isagu musharax ahayn aanu culays saarin rayigooda.

Waana sababta loo tilmaamayo inay Madaxweyne Siilaanyo horyaalaan labadaas nabar oo labadaba  midka uu doortaa uu khatartiisa siyaasadeed leeyahay.

Haddaba, hal qodob ayaa suurtogal ah in Madaxweyne Siilaanyo labadan nabar kaga badbaado, kuna badbaadiyo xisbigiisa KULMIYE, waana inuu ka shaqeeyo sidii ay Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi isugu tanaasuli lahaayeen, oo weliba midkood u ogolaan lahaa in uu taageero kan kale, taas qudheeduna waa mid ay rajadeedu yartahay marka la eego facaa’ilka siyaasadeed ee maalmahan laga dareemayay magaalada Hargeysa iyo hunguriga labadan masuul ka haya kursigan oo mid kastaa filayo in uu isagu yahay kan mudan in uu beddelo hoggaamiyihiisa.

Si kastaba ha ahaato’e, marka uu Madaxweyne Siilaanyo dabayaaqada Oktoobar ka soo noqdo safarkan uu u baxay, waa hawl sugaysa inuu ka shaqeeyo sidii uu u xalin lahaa arrintan. Waxa Madaxweynaha sugaya jid qodxo badan oo looga baahanyahay inuu ka gudbo isagoon qodixi mudin, qaranka iyo xisbigana ka badbaadiyey hagardaamo, waana hawl ku adkaan doonta marka la eego talooyinka labadii sannadood ee u dambeeyay ka soo baxayay madaxtooyada iyo xubnaha aadka ugu dhow iyaga oo aan ku midaysnayn hal murashax iyo waqtiga oo aad ugu yaraan doona haddii uu shirweynaha xisbiga kulmiye ku qabsoomo waqtiga loo muddeeyey.