Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac Ay Puntland Ka Gaysatay Gudaha Somaliland

0
700

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Faarax Buureed, ayaa sheegay in Ciidamo Puntland ah oo ku soo xadgudbay biyaha Somaliland dileen muwaadin Kaluumayste ah ee reer Somaliland ah.

Arrintan oo ka dhacday biyaha Somaliland ee aagga degmada Laasqoray ayuu wasiirku sheegay inay tahay xadgudub ciidanka maamulka Puntland sameeyay, islamarkaana ay halkaasi ka kaxaysteen doomo kaluumaysi. “ Intaanu ognahay Ciidamo ka yimid maamulka Puntland oo doonyo ka kaluumaysta badda oo dhinaca Puntland ka yimid caydhsanaya( Doonyo sharci darro ah oo Iiraan laga leeyahay oo badda xadaya iyo ciidanka Puntland oo is eryanaya) ayaa isla soo galay Somaliland dabeedna Nin qaali ah oo reer Laasqoray ah oo Kaluumaysatada ka mid ah ayaa ku dhintay, Alle ha u naxariistee isaga iyo ehelkiisaba tacsi ayaanu u diraynaa. Markaa dhibaatadaas baa dhacday, iyaguna doon yihii iyo wixii way la tageen,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay inay khalad tahay in Ciidamada Puntland kala soo talaabaan xuduudka doonyaha sharci darrada ah “Dhibaatadaas baa dhacday, waana mid xadgudub ah, waxay ahayd haddii doonyuhu ka soo gudbeen Soonahooda inay dawladda Somaliland ku soo war galiyaan oo arrintaas la soo socodsiiyaan laakiin, inay ka daba yimaadaan oo halkaas la soo galaan sharci darro ayay ahayd, wixii halkaas ka dhacayna iyaga ayaanu jawaab degdeg ah ka sugaynaa, dawladda hay’addaheeda amaankuna way la xidhiidheen,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Buureed waxa kale oo uu sheegay in Kaluumaysatada waddanka ay dhibaato ka haysato dhinaca Kaydinta Kaluunka islamarkaana aanay haysan qalabka qaboojiyeyaasha ah ee Kaluunka lagu kaydiyo si aanu u xumaan. Waxa uu sheegay in wakhtigan la filayo in Kaluumaysigu fudaado oo kulaylka iyo dabaylaha badan yaraadaan.