Golaha Ammaanka Oo Beri Somaliya Ka Qaadaya Cunaqabataynta Hubka

0
499

 

Newyork(Geeska)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu cunaqabataynta hubka Somaliya ka qaado Arbacada beri.

Go’aankan la filayo inay golaha ammaanku gaadhaan ayaa waxa uu ka dambeeyay codsi ay dawladda Somaliya ku dalbatay in cunaqabataynta hubka laga qaado, waxaana si weyn u dabada uga riixaya codsigaas dawladda Maraykanka, laakiin waxa ka walaacsan go’aankan dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska.

Dawladda Ingiriiska ayaa soo dhigtay qaraar ay soo diyaarisay oo sheegaya in cunaqabataynta hubka laga qaado Somaliya, laakiin lagu xidho shuruudo kala ah in cunaqabataynta laga qaado muddo sannad ah oo tijaabo ah iyo in la hirgeliyo hawlgalo lagula soconayo.

15-ka dal ee golaha ammaanka ee cunaqabataynta hubka Somaliya ku soo rogay sanadkii 1992, ayaa haatan u muuqda inay ku kala qaybsanyihiin qaabka looga qaadi doono.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon, ayaa bishii hore u soo jeediyay golaha ammaanka in laga qaado cunaqabataynta hubka, si ayuu yidhi ay dawladda Somaliya awood ugu yeelato dhismaha ciidamadeeda.

Si kastaba ha ahaate, waxa la filayaa inay Arbacada beri golaha ammaanku cunaqabataynta hubka ka qaadaan Somaliya, waxase suurtogal ah inay shuruudo ku ladhaan.