Madaxweyne Siilaanyo, 12 Wasiir, Saddexda Taliye Ciidan Iyo Gudomiyaha Maxkamada Sare Oo Isugu Tagay Xaflad Xadhiga Lagag Jaray Wasaaradda Kalluumjaysiga

1
595

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan 12 ka mid ah golihiisa wasiirada oo kala ah 10 wasiir iyo laba wasiir ku xigeen  iyo masuuliyiin kale, ayaa shalay ka qayb galay munaasibad xadhiga lagaga jarayay guri cusub oo loo dhisay wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

Xafladii xadhig ka jarista, oo lagu qabtay isla xarunta wasaaradda cusub, waxa si weyn u buux dhaafiyay madaxda kala duwan ee qaranka oo soo faaruqiyay shaqadii ay qaranka u hayeen saacadana ku qaatay sugitaanka furitaankii xafladaas oo ay ilaa dhammaadkeedii goob joog ka ahaayeen. Wargeyska Geeska Afrika oo tiriyay wasiirada iyo madaxda kale ee xafladaas goob jooga ka ahaa, ayaa ka sakow madaxweynaha oo xadhiga ka jaray munaasibadaas, waxa madasha ku sugnaa wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Gashandhiga, Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Haay’adaha, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaas, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradaas, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Cadaalada, Wasiirka Madaxtooyada.

Sida oo kale waxa ku wehelinayay madaxweyne Axmed Siilanayo iyo golihiisan wasiirada ee xaflada soo buux dhaafiyay  taliyayaasha ciidamada ee Qaranka,Booliska, Bada iyo sida oo kale gudoomiyaha maxkamada sare. Waxaana halkaas laga dareemayaa sida ay masuuliyiintani u soo cidleeyeen xafiisyadoodii, iyadoo ay madasha ka hadleen oo keliya Madaxweynaha iyo wasiirka kalluumaysiga iyo agaasimiha guud ee wasaaradaas.

Dad badan oo ka mid ahaa martidii munaasibadaas ayaa la yaabay tirada wasiirada xafladda goob-jooga ka ahaa. Hase yeeshe Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo indhihiisa ku arkayay wasiiradii uu hawlaha qaranka u xilsaaray oo xafladii soo buux dhaafiyay xataa kuma uu odhan weedho duur xul ah. Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalin ka mid ah wakhtiyadii uu xilka hayay wuxuu booqday taliska ciidamada qaranka ee loo yaqaan Miiska Saraakiisha, laakiin wasiiro dhawr ah ayaa markii ay ogaadeen dhaqdhaqaaqa madaxweynaha waxa ay isku shubeen xaruntii uu ku sugnaa, balse Madaxweyne Rayaale, ayaa dhammaantood ku amray inay ku noqdaan xafiisyadooda, marka laga reebo laba wasiir hawsha uu u socday ku lug lahaa.

Si kastaba ha ahaate iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu tilmaamo mid ay wasiiradeedu wakhtigooda ku qaataan dhirta waaweyn ee hoteelada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto, ayaa waxa ay xafladani markhaati cad u tahay doodahaas bulshada.

Comments are closed.