Dawladda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Maamulka Puntland Oo Ciidamo Ku Soo Daabushay Sool

0
687

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland ayaa Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku eedeeyay inay dabada ka riixayso oo ay ka shaqaynayso in dagaal ka dhaco deegaanada bariga Somaliland gaar ahaan Degmada Boocame.

Dawladda Somaliland ayaa ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta colaad ay Puntland ka abaabusho deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), oo shalay tagay Degmada Tukaraq oo kulalaysa xadka Puntland, ayaa Maamulka Puntland farriin culus halkaa uga diray, waxaanu yidhi “Deegaanka Boocame agaagarkiisa oo qayla dhaan xoog lihi ka jirto, oo waayadan ka socday dagaalo soo noqnoqonaya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aan Afhayeenka ka ahay, nabad bay ku baaqaysaa, diyaar uma nihin in aanu cunfi iyo colaad kula noolaano dadka derisyada, waxaa muuqata in nabadgalyo daro la wado oo dabada laga soo riixayo, oo ay ka imanayso deegaamadaa aaga Garoowe, oo ciidamo la hubaynayo, ciidamadaasna lagu soo hubaynayo deegaanka Boocame, oo meel la yidhaahdo Galalab ilaa saddex meelood ayaa laga dajiyey, ciidamo dhib doon ah, dadka deegaanka jooga iyo dawladduna si dhaw ayey ula socdaan arintaas iyo ciidamada qaranku, maanta dagaal ku baaqi mayno, dadka shacabka ee deegaanadaas degani waa dad reer Somaliland ah, waana umad reer Somaliland ah, qaranka xaq bay ugu leeyihiin marka timaado in qofka naftiisa lagu soo weeraro qaranku inoo difaaco xaq buu ugu leeyahay”.

Mar uu farriin u dirayey Puntland wuxuu yidhi “Waxaan idin leeyahay dadkina Maamulada ku jira waliba Maamulka Puntland, oo dabada ka riixaya, oo la og yahay hawshaas waxaad ka wadaan, Deegaankaas Boocame iyo agaagaarkiisa, ka daaya dhibta, waad ku jirtaan, oo ciidamadiinii baa ku jira, oo saraakiishiinii baa ku dhimatay, oo waa la og yahay oo ragga dabada ka wada magacyadooda ayaa la hayaa, oo goobihii lagu wada hadlay waxba kuma kala qarsoona..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office