Madaxweynaha Somaliland Oo Farriin Xajka Khusaysa U Diray Dawladda Sucuudiga

0
482

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowladda Sacuudiga ka codsaday in ay soo celiso qoondadii ay Somaliland ka heli jirtay xujaajta waajibaadka Xajka ku soo guta Makka.

Madaxweynaha ayaa dowladda boqortooyada Sacuudiga u soo jeediyay in arrinta sababtay in dadka reer Somaliland aanay sannadka xajin oo ah in aanay helin qoondadii ay uga barteen in dowladda Sacuudigu ka siiso xujaajta, in aanay mar kale dhicin.

“Sannadkan dadkeenu fursad u may helin in ay xajka tagaan, dowladda Sacuudiga oo kala maamusha Xaramka waxaanu ka codsanaynaa taa maanta dhacday in aanay dib u dhicin” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in bulsho kasta tirada xujaajta ee ay helayaan lagu saleeyo tiradooda guud, sidaa darteedna bulshada Somaliland ay ka badan yihiin 4 milyan oo qof loona bahan yahay in la siiyo wixii tiradoodu u goyso.

“Sida  Islaamka xajka loogu qaybiyay meel ay joogaanba, waxa lagu qaybiyaa halkii milyanba, sannadkii walba tiro ayaa loo qoondeeyaa Somaliland oo ka badan 4 milyan qoondada ay ka hesho xajka tagis tiisa, dowladda Sacuudiga waxaanu u soo jeedinaynaa waajibka Islaamka in aanay siyaasadayn” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo khudbad u jeediyey Shacab uu Salaaddii Ciidda kula tukaday Masjid Jaamaca Hargeysa Maanta.

Xukuumada Somaliland ayaa sannadkan baajisay xujaydii reer Somaliland ee xajka tagi lahaa, kadib markii ay sheegtay in Dawladda Soomaaliya oo Sucuudigu soo mariyey Qoondada Xaja ay qoondadii Somaliland xajka ka heli jirtay oo ahayd 40% ay ku soo koobtay ama ka dhigtay 6%, isla-markaana u qoondaysay illaa 350 Xaaji oo keliya, taasi oo Dawladda Somaliland-na ka biyo diidday.

 

Geeska.net/Hargeisa Office