Booliska Somaliland Oo Sheegay In Musharraxa WADDANI Uu Samaystay Ilaalo Shicib Ah Oo Si Sharci-darro Ah U Hubaysan

0
431

Hargeysa (Geeska) – Taliska Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa sheegay in Guriga Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay ku sugan yihiin Rag Shicib ah oo si Sharci-darro ah u hubaysan, arrintaasina noqon karto Khiyaamo Qaran.

War-saxaafadeed Xalay ka soo baxay Ciidammada Booliska, ayaa lagu sheegay in Maaddaama oo Ciidammada Boolisku ay masuul ka yihiin Amniga guud ee Qaranka iyo ka Masuuliyiinta Mucaarad iyo Muxaafidba ay Ciidamo Boolis iyo Milletari ah la siiyey Hoggaamiyeyaasha Axsaabta siyaasadda, laakiin Musharraxa WADDANI uu samaystay Ciidamo Shicib ah, kuwaasi oo Gurigiisa la deggan, habeenkiina Dadka iyo Gaadiidkaba baadha.

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka JSl iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.

Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, Iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ( military).

Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii Hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga Ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku Yaal xaafada Hodan Hilis Ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah, Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.

Hadaba waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyada Somaliland ee Nabad-galyada Jecel in ay soo kordheen arimahaas aanu kor ku soo sheegnay oo inagu cusub haday sii socotana noqonasa Dambi khiyaamo Qaran, Sida ku Cad qodobka 221 ee xeerka ciqaabta Guud. Sidaa Darteed waxaanu uga Digaynaa musharaxa Xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay iska fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda Sugaayay.

Waxaanaanu u gudbin doonaa xeer ilaalinta iyo maxakamada awooda u leh arintaasi aanu kor ku soo xusnay masuuliyadeeda.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office