Dawladda Sheekh Shariif Oo U Digtay Shirkad Shidaal Ka Qodaysa Dhulka Puntland

0
843

 

shariifMuqdisho(Geeska)-Wasaaradda Macdanta, Biyaha , Tamarta iyo Shidaalka dawladda Sheekh Shariif ayaa uga digtay shirkadaha caalamiga  ee ku howlan qodista shidaalka deegaanno ka tirsan Puntland in ay ka waantoobaan howlahaasi.

 

Wasiirka wasaaradda Macdanta Biyaha Tamarta iyo Shidaalka ee dalwadda Shariif,  C/Risaaq sh Muxudiin oo maanta wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay warbaahinta Muqdisho ayaa ka hadlay shirkado caalami ah oo la sheegay inay degaanno hoostaga Puntland ka wadaan howlo lagu qodayo shidaalka ,isagoo uga digay shirkadahaasi inay sii wadaan howalaha ay wadaan waxa uuna ugu baaqay inay shirkadahaasi iyo maamul goboleedka Puntland marka hore la xidhiidhaan dowladda Shariif. Waxa uu xusay wasiirku inay shirkadahaasi uu ka mid tahay Afrikaan oil Company iyo kuwo kale ku waa soo doonaya in bisha September ay ka bilaabaan deegaannada Puntland inay shidaal qodis ka sameeyan.