Dawladda Ruushka Oo Xabsiga Dadka Waallan Ku Xidhay Nin Sheegay In Uu Madaxweynaha Sixir Ku Dilayo

0
938

Moosko (Geeska)- Wasaaradda caafimaadka ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in xarun lagu dabiibo dadka xanuunnada dhimirka qaba ay geysay sixiroole u dhashay gobalka fog ee Siberia ee dalkaas, si loogu sameeyo baadhitaanno caafimaad. Kaddib markii muddooyinkii u dambeeyey uu waday socdaallo lug uu deegaanno kala duwan oo dalka ah ku maraya, isaga oo ku andacoonaya in socdaalladiisani ay yihiin sixir uu kaga takhalusayo madaxweyne Vlademir Putin.

Bilayska ayaa hore u shaaciyey in ay ku raadjoogaan ninkan oo ay dacwad ku soo oogi doonaan, laakiin wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in marka hore baadhitaan dhinaca dhimirka ah lagu samayn doono, si haddii uu caafimaad qabkiisu caddaado maxkamad loo geeyo.

Fallalowga Ruushka ah oo lagu magacaabo Aleksandar Gaabitsheef ayaa la soo qabtay xilli ay isaga iyo koox xertiisa ahi ay taandho ka dhisteen goob cidlo ah oo ku dhow harada Baykaal oo ku taalla buuraleyda gobalka Siberia.

Ninkan iyo xertiisa ayaa tan iyo bishii Saddexaad ee sannadkan ku soo jiray socod lug ah oo uu qorshahoodu ahaa in ay sannadka 2021 ka ku gaadhaan magaalada Moosko oo aad uga durugsan.

Sixiroolaha ayaa hore u shaaciyey marka uu gaadho magaalada Moosko in uu ku qaban doono isu soo bax uu diini ku sheegay oo lagu dhammaystirayo sixirka lagu khaarajinayo madaxweynaha. Mar uu boqollaal taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Chita ayaa uu sida oo kale sheegay marka uu Putin ku dhinto sixirkaas, in uu dalkiisu geli doono kun sano oo xasilooni iyo horumar ah.

Talefishan ku hadla afka mucaaradka dalkaas oo uu u warramay bishii Lixad ee sannadkan ayaa uu ku sheegay in loo waxyooday in Putin uu Shaydaan yahay, sidaa awgeed uu Alle necebyahay, haddii aanu talada ka teginna masiibooyin dabiici ah iyo falal argagiso oo waaweni ay dhici doonaan.

Alex Nafalni oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee mucaaradka ku ah madaxweyne Putin ayaa isagu cambaareeyey warka wasaaraddu ku sheegtay in ninkan loo dirayo shaybaadh caafimaad. Isaga oo ku dooday in ay taasi tahay xeeladdii ay sirdoonkii midowga Soofiyati ee KGB, oo marka ay siyaasiyiinta mucaaradka doonayaan in ay meesha ka saaraan ku andacoon jiray in ay xanuuno maskaxeed qabaan, kaddibna xabsiga u taxaabi jiray iyaga oo aan maxkamad marin, wax debiyo ahna ku soo oogin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here