Xukuumadda Oo Dib Ula Wareegtay Dabaacadda Manhajka Waxbarashada Somaliland Oo Ay Gacanta Ku Haysay Shirkad Gaar Loo Leeyahay

0
883

Buugaagta Manhajka Waxbarashada Waxa Daabici Jirtay Shirkad Gaar ah, Go’aan ay leedahayna ku iibin jirtay

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Shirkad Gaar loo leeyahay ka soo wareejisay Daabacaadda Buugaagta Manhajka Waxbarashada oo ay Gacanta ku haysay illaa sannadkii 2016-kii.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa Shalay ku dhawaaqday inay Madbacadda Qaranka ee Dawladda ku wareejisay Daabacadda Buugaagta Manhajka Waxbarashada isla-markaana laga wareejiyey Shirkadda Hema oo muddo soo daabacaysay isla-markaana iibinaysay.

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maxamuud Raage oo ugu horrayn ka hadlay Munaasibad arrintan lagaga dhawaaqay ayaa yidhi “Siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Muuse hoggaaminayo ayaa waxay ahayd in la dhiso Hay’adaha dalka, Mashaariicda badan ee ah Adeeggii Dawladda ee Gacanteeda ka baxay in lagu soo celiyo Gacanta Dawladda, mana aha kani kii u horreeyay, kuwo badan baa la soo maray, kuwo badan baa soo socda, waan ku Hambalyeynayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Annagu tijaabo adag baanu maraynaa, Dadna way na caawiyaan, Dadna way na maagaan, laakiin waxaanu doonaynaa in Qaranku isku fillaado, waxaanuna ku shaqaynaynaa waa Mishiino fiican, kana waxaan Ilaahay ka baryayaa inaanu daabacno.”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa jiray Heshiis ay wada galeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Madbacadda Qarabku, kaasi oo ahaa in lagu wareejiyo Manhajka oo iyadu daabici doonta.”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynis Axmed Maxamed Toorno ayaa isaguna yidhi “Waxa Farxad ii ah in Wasaaradda Waxbarashadu in Daabacaaddii Buugaagta Manhajka Qaranka ay ku wareejiso Madbacadda Qaranka, waa wax lagu farxo inaynu yeelano awooddaa..”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Afar boqol oo kun oo Carruur ah ayaa laga doonayaa Madbacadda Qaran in ay buugtooda Daabacaddo oo aan la waayin saddexda bisha July” ayuu yidhi Wasiir Toorno

 

Geeska.net/Hargeisa Office