Xukuumadda Oo Sheegtay In Sharciga Lala Tiigsanayo Madax-Dhaqameed Ka hadlay Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

0
706

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Qadiyadda Somaliland aanay ahayn wax Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin dilaali karaan, sidaasi darteedna Cid kasta oo xuduudkeeda ka gudubta laga qaadayo Tallaabo sharciga waafaqsan

Wasiir  ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa isagoo daba socda hadallo ay Toddobaadkii hore Warbaahinta mariyeen qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, kaasi oo ay ku sheegeen inay doonayaan in dib loo bilaabo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana ay doorkooda ka qaadanayaan, ayaa Wasiir ku-xigeenku sheegay in Qadiyadda Somaliland ahayn wax ay Madax-dhaqameedku Dilaali karaan, Sharcigana lala tiigsanayo Cid kasta oo Khadka Cas ka gudubto.

Wasiir ku-xigeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Madaxda dhaqanku waxay ka mid yihiin Rukumada waaweyn ee Somaliland, hadday noqoto Curinta nabadda, hadday noqoto dib u heshiisiintii Dadka reer Somaliland 1991-kii iyo wixii ka dambeeyay, hadday noqoto Nabadda iyo Horumarka aynu haysano, intaba kaalin wayn ayay ku leeyihiin, waa waxyaabaha aynu kaga duwan nahay Soomaaliyada Fashilantay, laakiin waxaad mooddaa Dad ka mid ah Madaxda dhaqanka oo faro ku-tiris ah oo inta badan ka gudba Xayndaabka dhaqanka, ama Shaadh siyaasi xidha, marmarka qaarkood gala Xadka guduudan (Cas). Waxaanu u sheegaynaa oo aanu kula talinaynaa (Madax-dhaqameedkaa) in Somaliland qadiyaddeeda iyo Masiirkeedu aanu ahayn wax Suldaan dilaali karo, siyaasina dillaali karo, Qof kasta oo Xuduudkiisa ka gudbana waxa laga qaadayaa Tallaabooyinka uu Sharcigu qabo, Sharcigana waa lagu soo dabaallayaa oo Xayndaabka uu leeyahay.”

Wasiir ku-xigeenka oo la waydiiyey inay jirto Cid ku tuhmayaan inay soo dhaqdhaqaajisay xubnaha Madax-dhaqameedka Somaliland ka midka ah ee sheegay inay doonayaan inay Wada-hadallada Soomaaliya door ku yeeshaan, ayaa ku jawaabay “Marmarka qaarkood waxa jirta Istaraatiijad ay leeyihiin Dawladda Soomaaliya, Anigoon Cidna ku eedaynayn, hayna Caddayn ah inay Cidi ka dambayso, haddana waxa jira isku dayo iyo siyaasado Gacan togaalayn ah oo ay inta badan ku maararoobaan Dawladda Itaalka daran ee Soomaaliya, taasi oo ay doonayaan in Somaliland dhexdeeda, ama dhallinyarada Somaliland ha noqoto ama siyaasiyiinta Somaliland ha noqoto ama qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka ha noqotee ay doonayaan inay farriimahooda marsadaan, Qadiyadda Somalilandna Suldaana kama talin karo, Siyaasina kama talin karo, Cidda Waajib ka saaran yahay waa Cidda Shacabku doortay, laakiin cid kasta oo Nasteex ah, ama dhaqan ha noqoto ama Baayac-mushtar ha noqoto oo Talo wanaagsan keenta waalla weelaynayaa oo waalla qaadanayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay Wada-hadallada Soomaaliya u aragto jidka keliya ee loo mari karo in labada Waddan si nabadgalyo ah u kala baxaan “Somaliland, mabda’iyan waxay qaadatay in Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin Dariiqa keliya ee lagu dhamayn karo, xalna loogu heli karo in Somaliland iyo Soomaaliya ay si nabad ah u kala baxaan, tiibayna Somaliland ku taagan tahay, Cid kasta oo Hawshaa galaysa iyo Meel kasta oo lagu galayana Somaliland diyaar bay u tahay, fagaare kasta oo Caalami ah oo arrintaa lagaga wada-hadlayana Somaliland diyaar bay u tahay, Mowqifka Somaliland-na wuu cad yahay.”

Ugu dambayn, Wasiir ku-xigeenka oo u Warramay Telefiishanka HCTV ayaa ja jawaabay hadal uu Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland, Axmed-kayse uu sheegay, kaasi oo ahaa inaan Cidna Somaliland ictiraafi doonin, sidaasi darteedna uu ka shaqaynayo Midnimada Soomaaliya, laakiin Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in hadalkiisa aanay waxba ka jirin, Mustaqbalkana la arki doono Axmed-kayse oo Somaliland cafis soo waydiisanaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here